Saturday, July 27, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo

Kismaayo (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Maamul Goboleedka Jubbaland.

“Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku sallaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland”, ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha waxaa garoonka Magaalada kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here