Saturday, July 27, 2024

Kenya Airways oo bilaawday duulimaadyadeeda xamuul ee Soomaaliya

Muqdisho (Daawan)- Diyaaradda Kenya Airways ayaa si toos ah u bilaawday dulimaadyadeeda xamuulka ah ee isaga kala gooshaya Magaalada Sharjah ee dalka Imaaraatka Carabta iyo Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo qorsheneysa in ay ballaariso duulimaadka dhanka ganacsiga ah.

Shirkaddu waxay bilaawday duulimaad toddobaadle ah oo dhaqan galay Jimcihi, February 9, iyada oo qorshaheedu yahay inay laba jeer ka dhigto toddobaadkiiba bisha April ee soo socota.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan, ayaa yiri, “ Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxaa qayb ka ah qorshaheeda inay sare u qaado duulimaadyada caalamiga ah ee imaanaya dalka ,tan oo fursad u siinaysa muwaadiniinta inay helaan duulimaadyo caalami ah.”

Diyaaradda Kenya Airways ayaa kaashaneysa wakiilka iibka Global GSA Cargo LLC ee fadhigiisu yahay Dubai, si loo fuliyo adeegyada dhanka xamuulka ah.

“Waan ku faraxsanahay in aan ballaarino adeegeena xamuulka ee heerka caalamiga ah oo aan gaarsiino suuqyada aysan ka jirin adeeg nuucaan ah. Waxaanan aaminsanahay in aan haysano adeeg dhamaystiran oo isagu jira dhanka ganacsiga iyo gargaarka bini’aadantinimo” ayuu yiri agaasimaha xamuulka ee KQ Dick Murianki.

Waxa uu intaas ku daray in Suuqa tooska ah ee isku xira Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya in ay ka jirto baahi weyn oo loo qabo adeegga xamuulka sida teknoolojiyadda, , qaybaha baabuurta, badeecadaha kala duwan iyo dharka, kuwaas oo ah kuwa ugu dalabka badan.

Kenya Airways ayaa ku kordhisay duulimaadkeeda xamuulka ah diyaaraad nuuceedu yahay B737-800F bishii November ee la soo dhaafay, waxeyna qorshaynaysa in ay kiraysato diyaarad kale oo la mid ah.

Diyaaradan oo nooceedu yahay 737-800F ayaa qaada ilaa 23 tan oo xamuul , sida ay sheegtay shirkadda samaysa ee Boeing.

Sannadkii 2020, Kenay Airways waxay laba ka mid ah diyaaradaheeda rakaabka ah u beddeshay kuwa qaada xamuulka ka dib marki ay badatay baahida sare ee adeegyada xamuulka, halka uu hoos u dhac weyn uu ku yimid adeegyada rakaabka, taas oo ay sabab u ahayd cudurkii coronavirus.

Marka laga soo tago Sharjah, oo ah magaalada saddexaad ee ugu dadka badan Imaaraadka Carabta, Kenya Airways waxay qorsheyneysaa inay diyaaradaheeda xamuulka ah geyso meelo ay ka mid yihiin Dubai, Jeddah, Riyadh, Dakar, Lagos, N’Djamena, Mumbai, Freetown, iyo Monrovia.

Kannan Nachiappan, oo ah madaxa fulinta ee Global GSA Cargo, ayaa sheegay in duullimaadyada tooska ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ay la gaaryihiin laba arrin oo muhiim ah kuwaas oo kala ah waqti gaaban iyo kharash yar.

Kenya Airways waxay sheegtay inay sidoo kale dib u bilaabi doonto duullimaadyada rakaabka ee isaga kala goosha Nairobi iyo Muqdisho laga bilaabo February 15, 2024.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here