Saturday, July 27, 2024

Golaha Shacabka Soomaaliya oo ansixiyay ku biirista Ururka Bulshadda Bariga Afrika

Muqdisho (Dawan)- Golaha Shacabka ayaa maanta kulankooda cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ku biirista Soomaaliya ee Ururka Dhaqaalaha Bulshadda Bariga Afrika (EAC).

Dowladda Soomaaliya ayaa loo oggolaaday in ay ka mid noqoto ururka Bulshada Bariga Africa, bishii November ee sannadkii tegay, iyada oo noqotay dalkii sideedaad ee ka mid noqda ururka tan iyo markii dhidibada loo taagay sannadkii 2000

ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Africa ayaa loogu dhawaaqay shir madaxeedka 23-aad ee madaxda EAC, kaas oo ka dhacay Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, waxaana la siiyay muddo lix bilood ah si ay hay’adaha sharciga ah usoo ansixiyaan.

Ajendayaasha waaweyn ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ka mid ahaa in ay Soomaaliya ku biirto Bulshada Bariga Africa, isaga oo Cabdisalaam Cumar Hadliye u magacaabay Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan ururka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii December ee sannadkii 2023 saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Xoghayaha Guud ee EAC, Peter Mutuku Mathuki ayaa hore soo dhaweeyay heshiiska ku biirista ay Soomaaliya saxiixday isaga ku tilmaamay in ay tahay tillaabo hore loo qaaday taas oo ka dhigeysa Gobolka mid ballaaran, awood badan sidoo kalena mideysan.

Bulshada Bariga Afrika waa urur Goboleed dhidibada loo taagay sannadkii 2000 ayna ku mideysan yihiin dalalka kala aha Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Uganda, Jamhuuriyadda Kongo iyo Soomaaliya oo noqotay dalkii siddeedaad ee ku biira waxaana xarun u ah magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dalalka ku bahoobay Ururka EAC ayaa iska kaashada dhinacyada dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, iyo dhaqanka, waxeyna mustaqbalka dhaw qorsheynayaan in ay yeehsaan lacag mideysan sidoo kalena badeecadaha ay soos saaraan iyo muwaadiniintooduba in ay isaga gooshaan dhammaan dalalkaan iyada oo aan lagu xirin shuruudo adag.

Soomaaliya ayaa ku biirin doonta ururka EAC xeebta ugu dheer Africa iyo ku dhawaad 20 milyan oo muwaadiniiteeda ah taas oo ka dhigi doonta bulshada ku mideysan ururkaan in ay gaaraan ku dhawaad 320 milyan oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here