Saturday, July 27, 2024

Kenya..Hal qof ayaa ku dhintay, 6 kalena waa lagu la’yahay doon ku dagtay harada Baringo

Nairobi (Dawan)- Sida la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay halka lix qof oo kale wali la la’yahay kadib markii doon ay la socdeen ku degtay Harada Baringo ee dalka Kenya.

Sida Boliiska Kenya laga soo xigtay, waxaa la badbaadiyay 11 qof, waxaana wali socda baadi goobka loogu jiro in lagu samatabixiyo dadka kale.

Boliisku waxa uu intaas ku daray in doonidu ay ka soo baxday Kampi Samaki kuna sii jeeday Jasiiradda Kokwa.


Barasaab ku xigeenka dowlad deegaanka Baringo ,Felix Maiyo ayaa ugu baaqay doonleyda iyo dadweynaha isticmaala in ay taxaddar muujiyaan si looga baaqsado dhibaato.

Howlgalka samatabixinta waxaa ka qeyb qaadanaya kooxaha gurmadka, Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya  iyo ciidamada ilaalada badda.

15-kii January ee sannadkaan, ugu yaraan toddobo askari oo ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya ayaa lasoo badbaaday ka dib markii doonidii ay la socdeen ay kula degtay Lamu.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here