Sunday, May 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

BARIGA DHEXE

Ciraaq- Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Baqdaad kula kulmi doona Madaxweynaha Ciraaq, Cabdi ladiif Rashiid iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Maxamed Shiyaac Al-Sudaani.

Erdogan ayaa booqasho hal maalin ah ku bixinaya caasimadda Ciraaq, waxaana lagu wadaa in labada dal ay kala saxiixdaan dhowr heshiis.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale booqan doona magaalada Erbil ee waqooyiga Ciraaq Baqdaad kadib.

Falastiin

Ciidamada Israel ayaa maalintii 199-aad kasii wada howlgal military iyo duqyn aan kala joogsi lahayn Marinka Gaza, iyada oo aan dheg jalaq u siinin qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu dalbanayo in la hirgeliyo xabbad joojin deg-deg ah.

Tan iyo bishii October ee la soo dhaafay, duullaanka Israa’iil waxaa ku dhintay ku dhawaad 34,100 qof, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 77,000 oo kale iyada oo ay jirto casbi laga qabo in dad badan u dhintaan gaajo.

Duqeymaha cirka ee Israel ayaa weli ka sii socda dhowr goobood oo ka tirsan Marinka Gaza, oo ay ku jirto magaalada Rafax, waxeyna Israel ku ku adkaysanaysa in ay weerar ku qaadeyso Rafax iyada oo marmarsiyo ka dhiganeysa in ay tahay dhufaysyadii ugu dambeeyay ee Xamaas

Waxaa sii kordhaya digniinaha caalamiga ah ee ka dhalan kara haddii ay Israel weerarto magaalada Rafax oo ay ku barakaceen ku dhawaad 1.4 malyan oo qof .

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in 10-kii daqiiqaba hal cunug lagu dilo marinka Gaza, waxeyna ku baaqday xabbad joojin deg-deg ah taas oo ah rajada kaliya ee ay sugayaan dadka ku nool Gaza.

Marka la eego Daanta Galbeed, tan iyo 7-dii October, waxa ay ciidamada Israel ku dileen 485 Falastiiniyiin ah, iyada oo la dhawaacay ku dhawaad 4,900, waxaana la xiray 8,400 oo qof sida laga soo xigtay ilo Falastiiniyiin ah.

ISRAEL

Waxaa sii xoogeneysa mudaaharaadyada ka socda magaalooyina Israel ee lagu dalbanayo in ay is casisho xukuumaadda uu hogaamiyo  Benjamin Netanyahu, sidoo kalena ay aqbashao heshiiska isdhaafsiga maxaabiista.

LEBANON

Waxaa sii socda weerarrada ka socda xudduudda ay wadaagaan Israel iyo Lubnaan oo ay isweydaarsanayaan kooxda Xisbullaah iyo ciidamada Israel tan iyo bishii October.

Isku dhacan ayaa lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee labada dhinac dhex mara tan iyo dagaalkii 2006-dii.

YEMAN

Xiisadda Badda Cas ayaa sii kordheysa xilli ay Xuutiyiintu weerarro ku qaadeen maraakiibta ganacsi ee lala xiriirinayo Israel, halka dowladda Mareykanku ay gudaha Yeman ka fulisay duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha Xuutiyiinta.

Arrintan ayaa keentay cabsi badan oo laga qabo in hakad ku yimaado isu socodka dhanka badda cas oo ka mid ah marinada ugu mashquulka badan ee ay maraan maraakiibta shidaalka.

YURUB

LUXEMBOURG

Golaha Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa ka shiraya arrima badan oo ka jira dunida sida dagaalka Ruushka iyo Ukraine, xaaladda Bariga Dhexe iyo Suudaan.

Shirka waxaa ka qeyb gelaya wasiirada arrimaha dibadda iyo difaaca ee Ukraine, iyada oo lagu wado in xiritaanka shirka kadib la qabto shir jaraa’id oo lagu faahfaahinayo arrimaha la isla gartay.

UK

Baarlamaanka UK ayaa yeelanaya fadhi ay uga doodayaan sharciga dadka qaxootiga ah ee la qorsheynayo in la geeyo dalka Rwanda

Ruushka

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wada hadal la yeelan doona dhiggiisa Azerbaijan Ilham Aliyev, oo booqasho shaqo ku tagi doona dalka Ruushka.

Ajandaha kulanka labada madaxweyne ayaa la xiriira horumarinta iskaashiga istaraatiijiga ah iyo xoojinta xiriirka adag ee u dhexeeya Ruushka iyo Azerbaijan, waxeyna sidoo kale isla eegi doonaan arrimihii ugu dambeeyay ee gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa ka qeyb galaya munaasabad lagu xusayo sannad guuradii 70-aad ee ka soo wareegatay markii Ruushku ku biiray ururka UNESCO ee Qaramada Midoobay.

PAKISTAN- Iran

Madaxweynaha Iran Ibraahim Raisi ayaa Pakistan ku tegay booqasho 3 maalin ah ah.

BANGLADESH

Amiirka Qatar Tamiim bin Xamad ayaa booqasho qaadaneysa laba maalin ku tegay Bangaladesh, waxaana lagu wadaa in labada dal ay kala saxiixdaan lix heshiis iyo shan is-afgarad.

US

Madaxweynaha Mareyknka Joe Biden oo khudbad ku saabsan xuska Maalinta Dhulka ka jeedin doona gobolka Virginia.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya 34 dacwadood oo la xiriira ku lug lahaanshaha in uu lacag siiyay Stormy Daniels intii lagu guda jiray ololihiisii madaxtinimada ee 2016-kii.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulmaya galabta si ay warbixin uga dhegeystaan howlgalka Qaramada Midoobay ee Kosovo.

Xubnuhu waxay sidoo kale dhegeysan doonaan warbixin ku saabsan xaaladda dalka Haiti .

Ciyaaraha

AC Milan ayaa wajihi doonta kooxda hogaanka haysa ee Inter Milan kulanka 33-aad ee horyaalka Seria A ee dalka Talyaaniga.

Inter ayaa hogaanka u haysa horyaalka Serie A-da iyada oo leh 83 dhibcood, waxaana ku xiga AC Milan oo leh 69 dhibcood.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here