Saturday, July 27, 2024

Kenya : Hoggaamiye Kaniisad oo isdilay

Nairobi (Dawan)- Hoggaamiye Kaniisad, da’diisana lagu sheegay 60 jir ayaa isku dilay shalay tuulada Mikima-ini ee bariga Mwea oo ka tirsan ismaamulka Kirinyaga ee dalka Kenya.

Maydka Stephen Muchiri ayaa laga dhex helay suuliga dugsi maxalli oo si gaar ah loo leeyahay, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Onesmus Muthee Mugo oo walaakiis ah.

Onesmus Muthee Mugo ayaa intaas ku daray in ay tahay wax lala yaabo inuu walaakiis is dilo, wuxuuna ka codsaday laamaha amniga ee dalka Kenya in ay baaritaan ku sameeyaan sababta ku kalliftay in walaalkiis oo ah hoggaamiye Kaniisad is dilo.

Wararka kale ee laga helayo ismaamulka Kirinyaga ayaa sheegaya in laba qof oo kale ay isla shalay isku dileen deegaano hoostaga maamulkaan, waxaana walaac xoogan laga muujiyay sababta iyo dadka is dilaya ee sii badanaya .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here