Saturday, July 27, 2024

Dadka Angola oo loo ogolaaday in ay imaan karaan Kenya dal ku gal la’aan

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa shaaciyay in muwaadiniinta waddanka Angola ay imaan karaan Kenya iyaga oo aan lagu xirin dal ku gal.
Go’aan ayaa yimid ka dib heshiisyo ay shalay wada saxiixdeen Madaxweyne William Ruto iyo dhiggiisa dalka Angola João Lourenço oo booqasho ku jooga dalka Kenya.

Labada Hoggaamiye ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadan meesha looga saaray fiisaha la siinayay shacabka Angola marka ay Kenya soo gelayaan ay ka mid tahay dadaalada lagu xoojinayo ganacsiga u dhexeeya labada dal.
Waxaa fursaddan ka faa’iidaysanaya dadka Angola ee Kenya u taga ganacsiga, dalxiisaka iyo danaha kale, Waxayna labada dal sido kale ku heshiiyeen in dib loo billaabo duulimaadyada tooska ah ee labada dhinac.

Duullimaadyadan ayaa isku xiri doono caasimadaha labada dal ee ee Nairobi iyo Luanda waxaana looga gol leeyahay in sare loogu qaado arrimaha ganacsiga iyo fududeynta safarka.
William Ruto ayaa sheegay in Angola ay qaadi doonto go’aan la mid ah kan Kenya ay qaadatay si muwaadiniinta Kenya ay fursad ugu helaan in ay Angola tagaan iyaga oo aan u baahan dal ku gal.

Kenya ayaa horay uga dhaaftay dal ku galka muwaadiniinta dalalka Koonfur Afrika, Eritrea iyo Comoros.

Kenya iyo Angola ayaa maalinimadii Sabtiga kala saxiixday heshiisyo kor loogu qaadayo ganacsiga ka dhexeeya labada dal si ay uga wada faa’iideystaan labada shacab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here