Saturday, July 27, 2024

Kenya iyo Shiinaha oo kala saxiixday dhowr heshiis

Beijing (Dawan)- Dowladaha Kenya iyo Shinaha ayaa kala saxiixday dhowr heshiis oo ku saabsan dhinacyada Isgaarsiinta, Tiknooljiyadda, Dawooyinka, Korontada iyo Dhismaha waddooyinka.

Saxiixa heshisyadaan ayaa kusoo beegmaya iyada uu Madaxweynaha Kenya, William Ruto oo Safar ku joogo dala Shiinaha, sidoo kalena uu shir gudoomiyay madasha ganacsiga ee Kenya iyo Shiinaha ee lagu qabtay magaalada Beijing.

Heshiisyadaan ayaa ku kacaya lacag lagu qiyaasay 63 bilyan oo lacagata Kenya ah.

Madaxweynaha Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in heshiisyadaan ay ka marqaati kacayaan sida ay dowladda Shiinuhu ugu kalsoonatahay Kenya iyo sida ay labada dal ugu dadaalayaan xoojinta iskaashiga ganacsiga ah si ay ugu wada faa’iideeyaan labada shacab.

Kenya iyo Shiinaha ayaa leh xiriir ganacsi oo xoog badan, waxeyna Kenya u dhoofeysa Shiinaha badeecooyin lagu qiyaaso qiimahooda 233.8 milyan oo dollar, halka badeecada China laga keeno lagu qiyaasay 3.8 bilyan oo dollar.

Mashaariicda waddooyinka uu Shiinuhu doonayao inuu maalgeliyo waxaa ka mid ah dhisida iyo ballaarinta waddooyinka casriga ee tareenada iyo dayactirka garoomada diyaaradaha ee Kenya.

Dowladda Shiinaha ayaa ballan qaaday inay Kenya ka caawin doonto la dagaalanka iyo yareynta saboolnimada iyada oo la kaabayo dhaqaalaha dalka gaar ahaan muruq maalka iyo ganacsatada yaryar.

Kenya iyo Shiinaha ayaa xusaya sannadkaan lixdan sano guuradii kasoo wareegtay markii labada dal ay yeesheen xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, iyaga oo sannadahaas iska kaashanayay dhinacyada siyaasadda, dhaqanka, iyo dhaqaalaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here