Thursday, November 7, 2024

Israel oo xasuuq ka geysatay Gaza: Boqolaal dhimasho iyo dhaawac ah

Gaza (Dawan)- Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, Ashraf Al-Qudra, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Anadolu in dad ka badan 500 ay ku dhinteen caawa duqeyn ay Israel la beegsatay Isbitaal ku yaal marinka Gaza.

Tirada dhaawacyada ayaa intaas kasii badan, iyada oo xilliga aan warkaan qoreyno weli ay isa soo tarayaan wararka kusoo kordhaya khasaaraha ka dhashay duqeynta Israel.

Wakaaladda Wararka ee Falastiin, ayaa sheegtay in diyaaradaha Israa’iil ay duullaan ku qaadeen cisbitaalka ku yaalla xaafadda Zaytoun ee Qaza, iyadoo ay halkaas ku sugnaayeen kumannaan qof oo barakacayaal ah kuwaas oo gabbaad ka dhigtay ka dib markii guryahoodii la burburiyey.

Muqaalo lasoo duubay oo ay baahisay Aljazeera ayaa muujinaya gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo daabulaya tiro aad u badan oo dhaawac ah.

Sidoo kale, muuqalo kale oo lagu faafiyay warbaahinta social media ayaa muujinaya dhibaatada iyo xasuuqa ay Israel caawa ka geysatay Gaza.

Dagaalka Israel iyo Kooxaha iskacaabita Falastiiniyiinta aaya galay maalintii 11-aad , waxayna Mas’uuliyiinta Israel ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan duqeynta inta ay ka cirib tirayaan Kooxda Xamaas.

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo ballaaran ka geysanayaan goobo kala duwan oo ka tirsan marinka Gaza, waxeyna dhulka la simeen xaafado deegaan ahaa.
Duqeymaha Israel waxaa ka dhashay dhimashada in ka badan 3000 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ay ku jiraan in ka badan 700 oo carruur ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 9042.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here