Saturday, July 27, 2024

Colombia oo xiriirka u jartay Israel dagaalka Gaza dartiis

Bogota (Dawan)- Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalkiisu uu xiriirka diblomaasiyadeed u jarayo Israel, laga bilaabo maalinta Khamiista, isaga oo go’aanka dowladdiisa ku sababeeyay dagaalka ay Israel ka waddo marina Gaza in ka badan lix bilood.

Hadalkan ayuu ka sheegay xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabadda dabbaaldegga maalinta shaqaalaha adduunka oo ka dhacday caasimadda Bogota, taas oo la dhigo 1-da May ee sannad kasta.

Petro ayaa yiri: “Hortiina, waxaana uga dhawaaqaya in xukuumadda isbeddelka ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda in berrito oo Khamiis ah aan jari doono xiriirka diblomaasiyadeed ee aan la leenahay Israel.”

Madaxweynaha Colombia ayaa sheegay in Israel ay ka jiraan xukuumad iyo madax geysanaya xasuuq, wuxuuna yiri, ” suurta gal ma aha in horteena lagu xasuuqo dad shacab ah”

Waxa uu intaas ku daray: “Haddii Falastiin ay dhimato, bini’aadantinimadu way dhimatay.”

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Israel oo ku saabsan go’aanka Colombia balse Kooxda Xamaas ee dagaalka kula jirta Israel ayaa bogaadisay go’aanka ay Colombia ka qaadatay dagaalka ba’an ee ay Israel ku hayso marinka Gaza, kaas oo socday tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha Colombia ayaa hore ugu hanjabay in uu xiriirka diblomaasiyadeed u jari doono Israel isla markaana uu joojinayo hubka uu ka iibin jiray Tel Aviv.

Colombia ayaa sidoo kale codsatay in ay ku biirto dacwadda ay Koonfur Afrika u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ka dhanka ah Israel , iyada oo ku eedeynaysa in ay xasuuq ka geysatay Gaza.

Dagaalka Gaza waxaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay in ka badan 112,000 oo qof oo u badan caruur iyo haween, waxaana la la’yahay ilaa 10,000 oo qof iyadoo ay jiraan macaluul iyo burbur baaxad leh, sida lagu sheegay warbixino ay soo saareen Falastiin iyo Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here