Saturday, July 27, 2024

Kenya oo xuseysa 60-guuradii kasoo wareegatay xornimada

Nairobi (Dawan)- In ka badan 30,000 oo qof ayaa lagu wadaa in ay maanta isagu soo baxaan fagaaraha Uhuru Gardens ee magaalada Nairobi si ay ugu dabaal degaan xuska maalinka qaran ee loo yaqaano “Jamhuri Day”.

Dabaal degga munaasabaddaan ayaa ah xuska 60-guuraddii kasoo wareegtay markii Kenya ay xornimada ka qaadatay Gumeystihii Ingiriiska taas oo la xuso 12 bisha December sannad kasta.

Madaxweynaha dalka Kenya Willaim Ruto iyo mas’uuliyiin kale ayaa lagu wadaa in ay munaasabadda kasoo qeyb galaan iyaga oo ka jeedi doona khudbado ku saabsan munaasabadda iyo qorsha dowladda Kenya ee sannadaha soo socda.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in amniga si wayn loo adkeeyay, isaga oo hoosta ka xarriiqay in xuska Jamhuri Day ay ka soo qayb geli doonaan ugu yaraan seddex ka mid ah hoggaamiyaasha dalalka kale ee caalamka.
Waxaa mas’uuliyiinta kasoo qeyb geleysa ka mid ah madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde oo Kenya timid gelinkii dambe ee shalay iyo hoggaamiyaha waddanka Belarus, Aleksandr Lukashenko oo maalmahaan booqasho ku joogay Kenya.

Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in maanta ay maalin muhiim u tahay qaranka iyada oo la xusuusan doono geesinnimadii , dadaalkii iyo naf-huridii halyeeyadii u soo dagaallamay xorriyadda waddanka Kenya.

Boqorka Ingiriiska, Charles III oo booqasho ku yimid Kenya dhawaan ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay gabood-falladii lagula kacay dadkii Kenyaanka ahaa xilligii gumaysiga Boqortooyada Ingiriiska.
Boqorka ayaa qiray inaan qiil loo dayi karin qaabkii uu maamulkii gumaysiga ee Ingiriiska ula dhaqmay kenyaanka intii ay u halgamayeen xorriyaddooda, inkasta uu diiday inuu raali gelin ka bixiyo.

Muddo dheer kadib, dowladda Britain ayaa ogolaatay 2013 inay magdhow siiso in ka badan shan kun oo Kenyaan ah, laakiin waxey dadka Kenyaanku sugayaan in raaligelin rasmi ah laga bixiyo xadgudubyadii loo geystay.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya, oo ah Guddii madax-bannaan, ayaa yiri: “Waxaan ugu baaqaynaa Boqorka, isagoo ku hadlaya magaca dowladda Britain, inuu ka bixiyo raalligelin aan shuruud lahayn xadgudubkii bini’aadantinimada ka baxsanaa ee muwaadiniinta Kenya lagula kacay. intii u dhaxaysay 1895 iyo 1963 xilligii gumaysiga”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here