Saturday, July 27, 2024

Victor Osimhen oo noqday ciyaariyahanka ugu fiican Afrika 2023

Marrakesh (Dawan)- Ciyaariyahanka u dhashay dalka Nigeria Victor Osimhen, una ciyaara kooxda reer Talyaani ee Napoli, ayaa xalay loo caleemo saaray ciyaariyahankii ugu fiicnaa qaaradda Afrika xilli ciyaareedka 2023-ka.

Victor Osimhen ayaa abaal marinta lagu guddoonsiiyay xafladdda xiriirka kubadda cagta Afrika (CAF) ee sannadkaan lagu qabtay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco.

Ciyaariyahankaan kasoo jeeda dalka Nigeria ayaa ka guuleystay labadii ciyaariyahan ee kula jirtay tartanka adag kuwaas oo kala ahaa Maxamed Salaax oo u dhashay Masar, una ciyaarya Liverpool, iyo xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakimi, oo u ciyaara kooxda Paris Saint-Germain.

Osimhen ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka Talyaaniga , isagoo xilli ciyaareedkii hore markii ugu horeysay ku hogaamiyay kooxda Napoli hanashada horyaalka Talyaaniga 33 sano ka dib, isagoo sidoo kale ku guuleystay gooldhalinta horyaalka.

Abaal marintaan ayaa ah markii ugu horeysay ee Osimhen uu ku guuleysto intii uu ku guda jiray xirfadiisa kubada cagta, isagoo kubada cagta Nigeria dib ugu soo celiyay safka hore ee abaalmarinada shaqsiga ah ka dib markii uu noqday ciyaariyahankii ugu horeeyay ee Nigeria ah ee ku guuleysta abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican Afrika tan iyo 1999 markii Nwankwo Kanu uu ku guuleystay.

Samuel Eto’o oo u dhashay dalka Cameroon iyo Yaya Toure oo reer Ivory Coast ah ayaa ah labada ciyaariyahan ee ugu hanashada badan abaal marintaan , iyagoo min afar jeer ku guulaystay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here