Monday, December 2, 2024

Khudbadda Muuse Biixi ee xuska 18-ka May

Hargeysa (Dawan)- Halkaan ka akhriso khudbadda uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay munaasabadda xuska 18-ka May iyo sannad guuradii 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada waqoyi ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Salaan:

– Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin,

– Madaxweyne Ku-xigeennadii hore,

– Shir-guddoonka labada Gole,

– Maxkamdda Sare,

– Xeer Ilaaliyaha Guud,

– Golaha Wasiiradda,

– Murashaxa Xisbiga Waddani,

– Guddoomiyeyaasha Axsaabta Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda,

– Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida,

– Wufuudda Caalamiga ah

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaa dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee jooga dalka gudihiisa iyo dunida dacalladeeda, munaasibadda maalinta qiimaha badan ee ah Ciidda Qarankeena ee 18-ka May awgeed, oo maanta ku beegan sannad-guuradii 33aad ee ka soo wareegtay dib-ula-soo-noqoshadii Xoriyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxan aad ugu mahadnaqayaa muwaadiniinta reer Somaliland rag iyo dumar, da’ kasta oo ay yihiin, meel kasta oo ay joogaan bishii ugu dambaysay waddaninimada, dal jacaylka iyo difaaca, horumarka dalka sida ay u jecel yihiin ee ay isu abaaluleen ee ay nacabka Somaliland ugu muujiyeen awooddooda, iyaga oo tusaya inay Somaliland tahay 33-jir oo ah marka qofka Bani’aadamka ahi maskax iyo muruq ba ugu adag yahay, gaar ah da’yartii kacday intii dalka la xoreeyey dareenkoodii kascsanaa waanu ka mahadnaqaynaa.

1960-kii 26-kii June bay Somaliland qaadatay xorriyaddeeda, waxana soo hambalyeeyey oo ictiraafay dhawr iyo afartan dawladood, kabacdina golihii Baarlamaanka Somaliland, ayaa fadhiistay Meesha Goodirka la yidhaahdo, kabacdina iyaga oo ka duulaya jibbadii waqtigaa jirtay ee ahayd in shanta Soomaaliyeed la isu geeyo oo ay qaran noqdaan, Somaliland oo ugu hor qaadatay xorriyaddu waxa ay ka dhabaysay ballantii ay Soomaaliyi isla qaadatay ee ahayd in shantii Soomaaliyeed la isla doonto shanti Soomaaliyeed, sidaa darteed iyada oo olalahaa Soomaali jacaylka ah aad u qaddarinaysa, islamarkaana dhibaatada ugu badan iyo halganka u badanna u hurtay ayey gaadheen go’aan ah in maalinta ay walaalladeen xorriyadda qaadanayaan oo ah 1-da July aynu la midownaa wax kastaaba ha inoo dambeeyaan.

Hase yeeshee, habeenkii ay Muqdisho qaadatay xoriyadda waxaa markiiba la isku daray oo la dhaariyay labadii Baarlamaan oo aan ka heshiinin sharciyaddii midowga.

Waxaana la doortay Guddoomiye Baarlamaan oo Somaliland ka socda iyo Madaxwayne ka socda Soomaaliya. Madaxweynihii la doortay wuxuu magacaabay xukuumad ka kooban 14 Wasiir, waxaana uu u qaybiyey sidan soo socota:

– Muqdisho waxay qaadatay Madaxwayne, Ra’iisal Wasaare, 11 wasiir oo ay ka mid yihiin; Maaliyadda, Daakhiliga iyo Arrimaha Dibadda, Laba Taliye Ciidan iyo Caasimaddii oo Muqdisho ah.

– Somaliland waxaa la siiyay 3 wasiir oo kala ah Diifaaca, Beeraha iyo Tacliinta. Waxa u soo raacay Guddoomiyihii Baarlaamanka iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeen. Dawladdii dhammayd shantaa xil ee weyda ah ayaa lagu soo tuuray.

Sidaa wax loo qaybiyay Shacabka Somaliland waxay ka muujiyeen saluug weyn, guux iyo cadho, maalintaas ayuuna bilaabmay cadho iyo dareenka ka dhashay halkaas, cadhadii halkaas ka dhalatayna waxay kusoo gebogebowday 31-sannadood oo aynu isla rafanaynay oo aynaan khayr ku wada joogin ee maalinba maalinta ka dambaysa colaadda, dilka iyo cunaqabatayntu ku socotay Somaliland, 1991-kii ayeyna ku burburtay dawladdii habeenkii july la isugu tegay ee habeenkaas cadhadeedu bilaabantay, intii ka dambaysayna wixii hore ee ay faleen wax ka weyn bay faleen.

Somaliland sida caalamku ogyahay ma aha dal, dal kale ka goosanaya, mana aha gobollo dal ka goosanaya sida Afrika ka badatay, cid walibana waxa ay qirsan tahay inaynu ahayn laba waddan oo isu tegay, warbixintii ay soo direen weftigii Afrika UN-ku usoo diray 2005-tii go’aankii ay soo saareen waxay ahayd arrinta Somaliland way ka duwan tahay arrimaha kale ee Afrika ka jira, waana mid ku fadhida sharci, xaqna u leh in arrintooda dib loo eego. Immikana 33-kaa sano wixii ay sameyeen Koonfuri ee cunoqabatayn leh, dhaqaale u diid leh iyo la dagaallan siyaasi ah oo aan filayo haddii ay nukliyeer hayn lahaayeen inay Somaliland ku dhufan lahaayeen, muddadaa 33-ka sanno ah ayaa ka daran 31-kii sanno ee ka horreeyey, sagaal shir baana la galay oo wada hadal ah muddo 10-sanno ah, kuwii ugu dambeeyeyna fashil bay ku dhammaadeen, sababtoo ah Somaliland waxa ay la shir tegaysay waxanu nahay dal xorriyaddiisii qaatay idinkaana ka markhaati oo dadna inagaa isugu dhowe oo isku soomaali ah waa inaad kow ka noqotaan markhaatiga oo aad Somaliland ictiraaftaan.

Halka ay maanta marayaan baan idiin sheegayaa Xasan Sheekh iyo Dawladdiisuye Baanka adduunka waxa uu Somaliland iyo Soomaaliya ugu deeqay lacag ku dhaw 2.2 Billion oo uu yidhi halloogu qaybiyo sida dadku gobollada ugu kala badan yihiin, Xasan Sheekh iyo dawladiisuna waxa ay Somaliland u qoondeeyeen 6.8%, waxaasna aqbali mayno caalamkana waanu u sheegaynaa, waxna noo soo mari maayaan, wada-hadalna nagama dhexeeyo.

IS-AF-GARADKA SOMALILAND IYO ITOOBIYA:

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Ka-midho-dhallinta hammiga iyo hiigsiga Qarankeenu waa mudnaanta koowaad ee Qarankeena sida Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Xukuumadan aan hogaankeeda hayo.

Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa xudun u ah 3 tiir oo kala ah:

Tiirka koowaad: waa xaqiijinta iyo helitaanka xuquuqda aqoonsi ee kaga maqan Qarankeena dalalka caalamka.

Tiirka Labaad: waxa uu diirada saarayaa mar walba in ay Siyaasadda Arrimaha Dibeddu salka ku hayso danta Qaranka Somaliland, isla markaana ay kula noolaato daris-wanaag dalalka Geeska Africa iyo guud ahaanba adduunka.

Tiirka Saddexaad: waa in is-kaashi dhaw dalalka darisku ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, horumarka iyo is-dhex-galka.

Laga soo bilaado sannadkii 2012-kii ilaa Bishii December 2023-kii, Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ku jireen wada-hadal uu nuxurkiisu ahaa sidii labada dal si nabad ah oo sharci ah u kala guran lahaayeen wixii ka dhaxeeyey, waxaana muddadaa dheer la soo galay 10 Kulan ama shir, balse dhammaan shirarkaasi waxa ay ku soo dhammaadeen fashil, waji-gabax iyo ballan-fur ka imanayey dhinaca Soomaaliya.

Sidaa darteed, mar walba waxa qorshe innoo ahaa in ciddii danteenna iyo dantoodu is-waafaqaan aynu wax wada qabsanno.

Qiimayn iyo qorshayn dheer kadib, waxa noo soo baxday in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay Somaliland la yeelato iskaashi buuxa oo ku dhisan sharciga caalamiga ah, taas oo waafaqsan Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland oo qeexaysa in Qarankeenu ku dhaqmo deris-wanaag, nabad-gelyo, iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhex-mara dalalka Caalamka oo dhan, gaar ahaanna dalalka deriska.

Annaga oo ogsoon in Itoobiya tahay dalka aynu la leenahay xad-dhuleedka ugu dheer, waxa noo muuqatay in iskaashigu uu horseedi karo fursado cusub.

Iskaashigaasi waxa uu keenayaa in Itoobiya u furto ganacsatada Somaliland suuqa Itoobiya oo tirada shacabkeedu maanta gaadhayo 129 Milyan oo qof, Itoobiyana ay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera wax kala soo degi karto, waxna ka dhoofsan karto.

Dhaqaalaha Itoobiya waxa uu kordhaa 6% sannadkiiba. 15 Sanno ka dibna baahidooda dhaqaale wey kordhaysaa, waxaanay dadkoodu gaadhi karaan 240 Milyan oo u baahan adeeg dekadeed.

Sidaa darteed, annaga oo ka duulayna siyaasaddaa qeexan ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa sida aad la wada socotaan, 1-dii Bishii January 2024 Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya heshiis hor-dhac ah oo Is-af-garad (Memorandum of Understanding) ku dhex-maray magaalada Addis Ababa. Is-af-garadkaa waxa saxeexay aniga iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya.

Heshiiska Is-af-garad (MOU) ee Is-kaashiga iyo Wax-wada-qabsiga ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya nuxurkiisu waa laba Qodob:

1) Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya waxa ay u aqoonsanaysaa Jamhuuriyadda Somaliland dal madax-bannaan, waxaanay ku taageeri doontaa ictiraaf raadinta Somaliland. Isla markaana Somaliland waxa ay ka KIRAYNAYSAA Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya dhul ay ka dhigato Saldhigga Ciidanka Badda ee Itoobiya.

2) Itoobiya oo hadda isticmaasha DEKEDDA CAALAMIGA AH EE BERBERA, waxa ay noqonaysaa marka heshiiska rasmiga ah la saxeexo macmiilka ugu weyn ee isticmaala Dekedda Berbera. Waxa ay sidoo kale labada wadan iska kaashan doonaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida: Jidka Ganacsiga ee Berbera Corridor, Dhismaha Jid Tareen ah oo isku xidha labada dal oo qayb ka noqon doona jidka ganacsi ee Berbera Corridor.

Waxa kale oo labada Jamhuuriyaddood ee Somaliland iyo Itoobiya iskaashi buuxa ka yeelan doonaan Difaaca iyo adkaynta Amniga labada dal, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, wax-soo-saarka iyo helitaanka koronto jaban.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Dad badan ayaa is waydiiya maxaa loo dhamayn la’yahay heeshiiska?

Marka la galayo heshiis noocan oo kale ah, waxa uu u baahan yahay ka fiirsi badan iyo in lagu dhiso sharciga caalamiga ah. Sidaa darteed, heshiiskan hor-dhaca ah waxa loo rogayaa heshiis rasmi ah oo weyn, heshiiskaa rasmiga ahina waa in uu xambaarsanaadaa dhammaan danaha Qarankeena oo tafa-tiran.

Waxa hadda geba-gabo ah diyaarinta heshiiskii rasmiga ahaa ee labada dal geli lahaayeen, waxaanu hirgalayaa marka Labada Gole ee Jamhuuriyadda Somaliland ansixiyaan Insha Alla, dhawaan baanay arrintaasi dhacaysaa.

Walaalayaal,

Sida aad la socotaan, Xasan Sheekh waxaa ka soo yeedhay qaylo dheer oo uu leeyahay dhallinyarta ku hadasha Af-Soamaaliga ayaa ka cadhoon doonta dhulka la siiyay Itoobiya, waa siduu u dhigay hadalkee. Taasi waxa ay wax-yeelo ku keenaysaa amniga Mandaqadda Geeska Afrika oo dhallinyarta ayaa Al-shabaab ku biiri doonta.

Xasan Sheekh waxaa uu eryay Safiirkii Itoobiya ee joogay Muqdisho, waxaanu ku dhawaaqay dagaal lala galo Itoobiya.

Beesha caalamka kuwa ugu tunka wayn leh waxa ay wax lala yaabo ku noqotay in nabad-gelyada Soomaaliya ee Xasan Sheekh sheegto ay gacanta ku hayso Itoobiya. Gobollada Hiiraan, Bakool, Baay, Gado iyo Jubbada Hoose intaaba waxa amnigooda gacanta ku haya ciidammada Itoobiya, oo ku dhow 10 kun oo Askari.

Beesha caalamku iyada oo cabsi ka qabta in Al-shabaab qabsato Muqdisho ayey ku qasbeen Xasan in ciidammada Itoobiya joogaan gobollada ay amnigooda sugaan.

Xasan Sheekh warka uu tabinayaa waa been, ma jiro dhul Soomaaliyeed oo ay Itoobiya xoog ku qaadatay, ama cidi siisay.

Markuu ka hadlaayay Al-Jazeera, wuxuu yidhi “Ma diidani in ay Itoobiya dhul kiraysato, laakiin waa in ay aniga i soo maraan oo ay i waydiistaan”. Waxaa is waydiin leh dhulka uu xukumo Xasan ee uu ka bixin karo Saldhig Ciidanka Badda ahi waa kee?

Somaliland 33 sanno ayey ahayd dal xor ah, Dawlad madax-bannaan oo dalkeeda dhisanaysa, horena u gashay heshiisyo badan oo caalami ah, sida; Heshiiska Shirkadda Caalamiga ah ee DP World ee Dalka Imaaraadka Carabta. Heshiinkan maanta taagan ee Itoobiyana kama duwana heshiisyadaas ay Somaliland hore u gashay, waliba kani waa kiro, maaha maalgashi.

Heshiiskan waxa aad u taageersan Shacabka Somaliland, waanu dhaqan-galayaa marka la horkeeno Golaha Baarlamaanka ee uu ansixiyo.

Xasan waa naftii hafar, ku doodaya awood aanu lahayn. Waa gorayadii madaxa ciidda galisa markay dhibaato aragto. Wuxuu moogan yahay in Dhallinyarada Soomaaliyeed ee jaamacadaha Itoobiya ka soo baxday ay ka badan yihiin kumannaan qof.

Maanta dadka mutacalimiinta ah ee Somaliland iyo Soomaaliyaba ku sugan ee da’doodu afartanka tahay amba ka yar tahay, colaad uma qabaan Itoobiya, umana arkaan cadow. Haddii tiradaa lagu daro Soomaalida Itoobiya dagta, ma jiro cid ka dhagaysanaysa caroogga colaadeed ee uu afuufayo, waana ku isaga iyo kooxdiisa u gaarka ah.

Beesha Caalamku waa inay xaqiiqda ku dhaqantaa oo aanay ku dhaga-barjoobin tororogta waydda ah iyo tanaga madhan ee uu tumayo nin tiisa gabay. Waxaana hubaala inuu heshiskaasi dhammaystirmi doono dhawaan.

Doorashooyinka

Sannadkan xuska munaasibadda 18 May waxay ku soo beegmaysaa xilli aynu u diyaar-garoobayno doorashooyin.

Doorashaduna waxay leedahay culays dhaqaale, nabad-gelyo iyo mid farsamo.

Waa sunnaha nolosha in tartan kasta oo la galo ay cid uun guushu raacdo. Sidaa darteed, waxaan ku talinayaa in tartanka Axsaabta Qaranka iyo Ururrada Siyaasaddu ay galayaan in uu noqdo mid hufan oo ay ka muuqato xil-kasnimo, waayo-aragnimo iyo qaan-gaadhnimo siyaasasdeed, isla markaana laga hor-mariyo danta Qaranka danta gaarka ah.

Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland-na waxaan u soo jeedinayaa in ay codkooda ku doortaan cidda iyo Xisbiga ay u arkaan in uu dalkan iyo dadkan Qarannimadooda iyo xornimadooda meel marin karo.

Doorashooyinka Somaliland waxay leeyihiin culays dhaqaale, culayskaa badankiisuna waxa uu ku dhacaa Xukuumadda.

Sannadkan waxa la qorsheeyey in ay doorashooyinku innoogu kacaan kharash lacageed oo gaadhaya 162 Bilyan SL Shilling ah.

Sidaa daraadeed shacabka Somaliland waxaa aan leeyahay, muwaadin codkaaga ku taageer cidaad u aragto in ay himilo iyo higsi dheer u leedahay horumarinta Qaranka.

Doorashada aynu miyirqab, dal jacayl, bisayl siyaasadeed turxaanta oo aynu ka ilaalino, haddii la tartamana wax kasta oo la ciyaarayo laadhuuna ha ahaatee laba qof ma wada guulaystaan oo hal qof uun baa guulaysta, maaddaama oo guddoomiyihii iyo murrashaxii xisbiga WADDANI ay fadhiyaanna waxan leeyahay Cabdiraxmaan maanta aniga iyo adiguba hadba keenna laga helaa ha hanniyeeyo oo buuq dambe yaanu jirin, qoodhina fagaaray ku wada hadashaa oo maanta dadkoo dhammi way ina maqlayaan.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Muddadii uu jiray Qarankani, wuxuu ku tallaabsaday guulo aad u waaweyn. Horumarkaa iyo Guulahaa uu gaadhay Qarankeenu Bulshada Caalamku wax la sheego oo macno leh kumay taageerin, balse shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo gude iyo dibedba isku-tashaday ayaa dhexda u xidhay in ay guul gaadhaan, waanay hirgaliyeen guulo la taaban karo.

Tusaale ahaan:

• Waxa aynu ka heshiinay dhammaan colaadihii iyo dhibaatooyinkii Dawladdii Siyaad Barre kala dhex-dhigtay Shacabka Somaliland ee xigto iyo xigaalba leh.

• Waxaynu dhisnay Ciidan Qaran oo midaysan oo saldhig ay u yihiin halgamayaashii SNM.

• Waxa aynu dhisnay nabad guud oo gobollada Somaldiland oo dhan ku fidday.

• Waxaynu dib-u-dhisnay dhammaan haykalkii Maamul iyo Dawladnimo ee Dawlad looga baahnaa. Maantana Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran 33 jirsaday oo leh ciid, calan, ciidan, cumlad, cuud iyo cuddud aan la soo hawaysan karin.

• Waxa aynu dib u dhisnay dhammaan kaabayaashii dhaqaalaha dalkeenna ee sida kaska iyo maanka ah la innooga bur-buriyey.

• Waxa aynu yeelannay Dastuur Qaran oo in ka badan 97% Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku ansixiyeen sannadkii 2001-kii, waxaanan halkaa kaga guurnay Axdi Qarameedkii aynu ku soo caano-maalnay ee lagu soo bilaabay maamulka Dawladnimo 1993-kii.

• Waxa aynu dalkeena ka dhignay dal Dimuqraadi ah, leh Axsaab badan, isla markaana qabsaday doorashooyin xor iyo xalaal ah oo mararka qaarkood lagu kala badiyey 80 Cod oo kaliya, hadda maaha 80,000 oo Cod.

• Waxa aynu qabannay 8 Doorasho oo si nabad ah xilka loola kala wareegay iyo Aftidii Dastuurka.

• Taasina waxa ay innaga dhigtay in aan horseed u noqonno dimuqraadiyada Xisbiyada badan ee Gobolka Geeska Afrika iyo dalal badan oo adduunka ah intaba.

• Waxa aynu soo jiidannay Maal-gashiyo Shisheeye iyo saaxiibo dhaqaale xoog leh ku aammina dalkeenna, sida; maal-gashiga ballaadhinta iyo casriyeynta Dekedka Magaalada Berbera.

Waxan aad iyo aad u hambalyeynayaa ciidamada qaranka meel kasta oo ay joogaan, waxan ciidamada oo dhan aad ugu hambalyeynayaa halka ay dalka ugu jiraan marka la isku wada daro sida Badda, amniga, difaaca iyo socdaalka.

Dhammaanba shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba waan hambalyeynayaa, wixii aynu qabsannay, wixii inaga dhiman inaynu qabsanno uun baa inoo taalla, waxana aan ku talinayaa inay dadkeennu ka baxaan odhaahda ah hannala caawiyo, waxana aan doonayaa Somaliland aan tuugsanayn oo tacbanaysa, adduunyadana waynu la tartamaynaaye baryi mayno.

Gebo-gebo.

Walaalayaal;

Somaliland maanta waxay maraysaa marxalad aad u wanaagsan. waxay haysataa nabad, Dawlad ay dhisatay oo u shaqaynaysa, waxay leedahay shacbi dal jecel oo dalkooda iyo dawladdooda ilaashanaya.

Eebbaheen markuu Bini Aadamka abuuray, waxa uu caqliga u siiyey in ay dhibaatooyinka xal u helaan.

Qof iyo Qaranba maalin kasta waxa la soo gudboonaada dhibaatooyin xal u baahan.

Dhibaatooyinka jira maanta ee ay ka mid yihiin dhaqaale-yarida, aqoonsiga raagay iyo cadowga badan ee aynu u toogo hayno, waxa waajib ah in aynu sii kordhinno dedaalkeena iyo horumarinta Qarankeenna.

Somaliland tuugsan mayso, ee waa ay tartamaysaa. Caalamka ictiraaf kaliya waydiisan mayno, ee waxaynu tusaynaa in la isku baahan yahay oo kaalintayada ayaanu ka qaadanaynaa nabadda, xasilloonida iyo isku socodka ganacsiga ee adduunka.

Ugu dambayn, waxa aan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Somaliland in ay midoobaan, in ay is-aaminaan, in ay iskaashadaan iyo in ay dhan uga soo wada-jeestaan cadowgooda ku foogan in Somaliland iyo Qarannimadeeda jilbaha loo dhigo, tusaanna in aanay taasi marnaba suurtagal ahayn isku-day kasta oo ay la yimaadaan. Waxa aynu ku weyno iskaashi iyo walaalle, lagu heli maayo kalifaad iyo jujuub ee taana hala ogaado.

Waxaan ugu baaqayaa in ay u wada shaqeeyaan horumarka dalkooda, in ay u xaytaan oo dhexdana u xidhaan horumarka dalkooda dhinac walba, waayo horaa loo yidhi, ”Xaglo laaban xoolo kuma yimaadan”.

Muwaadinka Somaliland waa in hankiisa iyo qabkiisu ahaadaa mid ka sarreeya qarafayso iyo beryada qayrkii. Dalkasta oo horumaray dadkiisa ayaa tabcay oo gaadhsiiyey halka uu hadda joogo.

Qofka dayaxa tagay, ka maskaxda qalay, iyo ka wadnaha macmalka ah hindisay sagaal bilood baynu ku wada dhalannay. Hiigsigaaga iyo Himilladaadu ha fogaato, muwaadin.

Somaliland Guul – Somaliland Guul

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here