Saturday, July 27, 2024

Koobk Adduunka oo lagu qabanayo 3 qaaradood sannadka 2030-ka

Zürich (Dawan)- Xiriirka Adduunka ee Kubadda Cagta (FIFA) ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalalka Morocco, Spain iyo Portugal loo doortay inay martigeliyaan Koobka Adduunka ee FIFA 2030-ka.

FIFA ayaa lagu waday inay ku dhawaaqdo dalka martigelinaya sannadka soo socda, balse go’aankaan ayaa yimid kadib markii la waayay dowlado kale oo soo codsada martigelinta Koobka Addduunka.

FIFA ayaa sidoo kale sheegtay in dalalka Uruguay, Argentina iyo Paraguay ay martigelin doonaan dhowr kulan oo ka tirsan ciyaaraha Koobka Adduunka si dabbaal deg loogu muujiyo sannad-guurada 100-aad ee kasoo wareegtay markii si rasmi ah loo billaabay ciyaarista tartankaan.

Arrintaan ayaa ka dhigan in markii ugu horeysay Koobka Adduunka lagu qabto halmar lix dal oo ka kala tirsan seddex qaaradood.

Koobkii adduunka ee ugu horreeyay waxaa lagu qabtay Uruguay 1930-kii, wayna ku guuleysatay koobka.

Koobka Adduunka ee 2022 ayaa lagu qabtay Qatar, waxaana ku guuleystay xulka Argentina .

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa yiri: “Dunidaan kala qaybsan, ayay FIFA iyo kubbadda cagtu mideynayaan”

Infantino ayaa intaas raaciyay, in la xusi doono sannad guuradii boqolaad ee kasoo wareegtay markii la billaabay Koobkaan, iyada oo dalalka Uruguay, Argentina iyo Paraguay ay marti gelin doonaan min hal kulan.

Bayaan kasoo baxay Boqortooyada Morocco ayaa lagu yiri ” Waxaa farxad weyn ah in Boqor Maxamed ugu bishaareeyo dadka Morocco in Xiriirka Adduunka ee Kubadda Cagta ee FIFA uu ku dhawaaqay in si wadajir ah ay dalalka Morocco, Spain iyo Portugal ay u martigelin doonaan Koobka Adduunka ee FIFA 2030″

Morocco ayaa wacdaro ka dhigtay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Qatar sanadkii hore markii ay gaareen semi-finalka, iyaga oo ka badiyay dalal awood ku leh kubadda cagata sida Spain, Portugal iyo Belgium

FIFA ayaa sheegtay in koobka aduunka ee 2034 uu ka dhici doono qaarada Asia ama Oceania, waxeyna xiriirada dalalkaas ka codsatay in ay soo gudbiyaan dalabkooda ku aadan marti gelinta tartanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here