Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo u hambalyeeyay Galmudug bogaadiyayna laamaha amniga

Roma (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Maamul Goboleedka Galmudug oo ku guuleystay tartanka koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

Galmudug ayaa rigoorayaal 4 iyo 1 ah uga badisay Maamul Goboleedka Hirshabeelle, kadib ciyaar adag oo kusoo idlaatay waqtigii loogu tala galay 0 iyo 0

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Madaxweyne Xasan ayaa u qornaa sida soo socota;

Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul, ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Guushan aad gaarteen waxaa saldhig u ahaa ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo iskuxirnaan.

Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle waxaad soo gaarteen ciyaartii u danbeysey ee tartanka, waana tusaale muujinaya dadaalka aad bixiseen, waxaan idiin rajaynayaa guulo danbe iyo taariikh wanaagsan.

Guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin ammaan, maadama muddada ay socdeen ciyaarahan ay muuqaal qurxoon ka bixiyeen dalkeena.

Laamaha Amniga Soomaaliyeed ee ka soo dhalaalay doorkoodii ku aaddanaa in nabad iyo amni ay ku baratamaan dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kumannaan taageerayaal ah ay maalin walba daawanayeen ciyaaraha waa taariikh wanaagsan oo ka tarjumaysa mustaqbalka dalka iyo xasilloonida ay inoo diidan yihiin argagixisada cadowga ah.

Ciyaarahu waxa ay kor u qaadaan is-dhexgalka bulshada, iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here