Saturday, July 27, 2024

ku dhawaad 50 Tahriibayaal Afrikaan ah oo lagu la’yahay xeebaha Yeman

Sanca (Dawan)- Dowladda Yeman ayaa sheegtay in la la’yahay 49 tahriibayaal ah, kuwaas oo kasoo jeeda dalal Afrikaan ah kadib markii doon ay la socdeen kula degtay xeebaha Yeman gaar ahaan magaalada Mokha ee dhacda dhanka Koonfur Galbeed ee dalkaas.

Sida lagu sheegay warbixinta, Waxaa lasoo badbaadiyay 26 kale oo ka mid ahaa dadkii doonta saarnaa, sida ay Wakaaladda Wararaka Yeman ee Saba’ ay kasoo xigatay mas’uul ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalkaas.

Mas’uulka ayaa yiri ” Doon aya la socdeen 75 tahriibayaal Afrikaan ah oo ay ku jiraan dumar ayaa ku degtay xeebaha magaalada Mokha kadib markii ay ku adkaatay wadihi doonta inuu xakameeyo dabeylaha jira awgeed”

Waxa uu intaas ku daray, Ciidanka Ilaalada waxa ay ku guuleysteen in ay soo badbaadiyaan 26 ka mid ah dadkaas, welina waxaa la baadi goobaya 49 kale.

Dowladda Yeman ayaa gurmad deg deg ah iyo quusayaal u dirtay goobta ay dhibaatadu ka dhacday welina waxaa socda howlgalka lagu doonayo in lagu badbaadiyo dadkii doontu la degtay.

Dalka Yeman ayaa ah dariiqa ay maraan dadka tahriibayaalka ah ee kasoo jeeda dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan doonaya inay u gudbaan dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga oo ku yaalla Waqooyi Galbeed ee Yeman.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here