Saturday, July 27, 2024

Qorshaha ay Soomaaliya la tageyso Shirweynaha COP28 oo laga shiray

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Soomaaliya ayaa maanta soo xirtay wajiga labaad ee shirka wadatashiga qaran ee u diyaargarowga Shirweynaha Isbeddelka Cimiladda COP28 kaas oo ka furmi doonaa magaalada Dubai ee wadanka Imaaraatka dhamaadka bishan 11aad.

Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa kulmiyay wakiilo ka socda wasaaradaha kala duwan ee dowladda federaalka, hay’addaha maxaliga ah iyo daneeyaasha deegaanka si ay uga tashadaan arrimaha muhiimka ah ee la xiriira isbedelka cimilada loona helo diyaargarow iyo siyaasad buuxda oo lala tago Shirweynaha Caalamiga ah ee COP28.

Urruradda bulshada rayidka, ayaa soo jeediyey kaalintooda ku aaddan ka qeybqaadashada shirweynaha COP28 iyo sidii looga jawaabi lahaa caqabadaha isbeddelka cimilada ee dalka saameeyey. Kulanka oo ahaa khibrad isweydaarsi iyo in la jeexjeexo arrimaha hortebinta leh ee ay dowladda Soomaaliya shirka la tegayso ayaa ku soo dhammaaday si habsami leh.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo shirka soo xirtay ayaa bogaadisay dhammaan qeybaha wasaaradaha ay shaqo wadaagta yihiin iyo qeybaha bulshada rayidka ah ee shirka ka soo qeyb galay, ayada sidoo kale sheegtay İnay muhiim tahay wadashaqeyn buuxda in la yeesho si dalka hufnaan loogu metelo shirweynaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in ajendaha ugu weyn ee ay dowladda Soomaaliya shirka la tagayso ay tahay in gargaarkii bini’aadinimo wakhtigiisii la dhaafay oo ay hadda Soomaaliya u baahan tahay taageere horumarineed.

Shirka COP ayaa ah madal sannadle ah oo ay iskugu yimaadaan dalalka caalamka kaas oo loga arrinsado isbeddelka cimiladda iyo saameynta uu dunida u geysto. Waa fursad ay dalalka soo kobcaya iyo kuwa dhaqaalahoodu hooseeyo ay dunida koowaad kaga helaan taageere lagula tacaalo khasaaraha wasakhowga cimiladda.

Soomaaliya ayaa markii labaad ka qabgalaysa sannadkaan iyada oo diyaargarowga wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ay u muuqato mid tilaabo fiican ka qaaday ka qeybgalka COP28.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here