Saturday, July 27, 2024

Laamaha amniga oo soo qabtay nin ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa

Muqdisho (Dawan)- Laamaha Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay isbuuc kadib gacanta kusoo dhigaan Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa kadibna ay geeriyootay.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa barteeda X ku baahisay sawiro muujinya ciidanka oo gacanta ku haya Sayid Cali, kadibna waxa ay raacsisay qoraalkaan ” Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo loo heysto dilka Xaaskiisii Luul Cabdicasiis, eedeysanaha oo ay ciidanka NISA ku raad joogeen ayaa laga soo qabtay deegaanka Gabdaale oo hoos taga magaalada Hobyo”.

Sayid Cali ayaa xaaskiisa ku gubay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir taariikhdu marki ay ahayd 26 Jan 2024, kadibna waxa uu ka baxay magaalada, iyada oo ay intaas ku daba jireen Laamaha Amniga Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Laamaha Amniga, waxaa Eedeysanaha lala soo qabtay laba nin kale oo lagu kala magacaabo Ingriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa’uud (Caluuke) kuwaas oo gacan ku siiyay eedeysanaha inuu ka dhuunto laamaha amniga.

Hay’adaha Amniga ayaa hore u ballan qaaday in ay soo qaban doonaan Sayid Cali kadibna la hor keeni doono Caddaaladda.

Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye ayaa ku bogaadiyay Hay’adaha Amniga iyo waxgaradka deegaanka sida ay ugu guuleysteen in ay soo qabtaan eedeysane Sayid Cali si loo marsiiyo caddaalad, isaga oo yiri;

” Waxaan mar waliba kalsooni buuxda ku qabay waxgaradka beesha reer Xaaji Saleebaan ineysan eedeysanaha ka dhashay aysan gadaal marsan doonin waana uga mahadcelinayaa, sidoo kale Hay’adaha Amniga oo har iyo habeenba ku hawlanaa inay cadaalad hesho walaashey Luul Cabdicasiis, Rabbi ha u naxariistee.”

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada ku muujiyay sida ay uga careysanyihiin dilka loo geytay Luul Cabdicasiis, iyaga oo ugu baaqay Laamaha Amniga iyo Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in ay si dhaqsa ah usoo qabtaan eedeysanaha, si loo maxkamadeeyo.

Dambiyada dilka ah ayaa kusoo badanayay waayadii ugu dambeeyay qoysaska Soomaaliyeed, iyada oo aysan jirin wax baaritaan ah oo laga sameeyay si loo ogaado sababaha keenaya in ay is dilaan laba qof oo is qaba ama is dhalay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here