Saturday, July 27, 2024

Abwaan Jaamac Kadiye oo ku dhintay duqeyn ka dhacday Laascaanood

Laascaanood (Dawan)- Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Laascaanod ee gobalka Sool kadib markii magaalada lala dhacay hoobiyaal.

Golaha sare ee SSC ayaa maamulka Soomaaliland ku eedeeyay dilka abwaanka, iyagoo ku tilmaamay arrin laga xumaado in la beegsado beri mageydada.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tacsi u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaana qoyskii iyo eheladdii uu abwaanku ka tegay.

Abwaanku wuxuu ahaa hal abuure iyo dhaqan-yaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed, isla maraakana magac iyo sharaf ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda” ayaa lagu yiri, bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa geerida abwaanka ka tacsiyeeyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni, isagoo yiri “Abwaan Jaamac Kadiye waa tiir-weyn oo ka baxay umadda Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed”

Dagaalaka ka socda Laascaanood ayaa sababy dhimasho iyo dhaawac tira badan, waxaana ku bara kacay kumanaan qof.

Dowladda Soomaaliya iyo ha’yadaha u dooda xuquuqda aadanah ayaa dhwor jeer ku baaqay in la joojiyo colaadda, wixii jira oo khilaaf ahna lagu xalliyo miiska wada hadalka.

Abwaan Jaamac Kadiye ayaa lagu xasuusta suugaantiisa waddaniga ah iyo siduu u wacyi gelin jiray bulshada Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here