Saturday, July 27, 2024

Muxuu yahay Xeerka lagu buriyay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland?

Muqdisho (Dawan)- Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay isagu yimid kulan deg-deg ah ayaa meel mariyay xeer lagu burinayo heshiiskii is-afgradka Badda ee Magaalada Addis Ababa ku dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Qaraarkaan ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya heshiiska, maadaama aan loo marin hannaanka sharciga ah ee waafaqsan Dastuurka Soomaaliya iyo Xeerarka Caalamiga ah, maadaama ay Soomaaliya aaminsantahay in Somaliland tahay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed

Todobada qodob ee Xeerku ka kooban yahay ayaa kala ah :

Qodobka Kowaad:

Heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray magaaladda Adis Ababa, waa waxba kama jiraan aan lahayn saldhig sharciyadeed, maadaama uu ka  hor  imaanayo  Dastuurka  Dalka, Shuruucada Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika iyo Xeerka lagu aasaasay Urur  Goboleedka  IGAD,  iyo Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.

Qodobka Labaad:

Heshiis kasta oo Caalami ah waxaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u geli kara oo keliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo Hay’adda Sharci dejinta JFS uuna Madaxweynaha JFS ku meelmariyo xeer madaxweyne si waafaqsan Qodobka 90(q) ee Dastuurka KMG ah laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qodobka Seddexaad:

Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kale oo shisheeye oo ka hor imanaya Dastuurka Federaalka waa waxba kamu jiraan aan sharciyad lahayn.

Qodobka Afaraad:

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa la farayaa in ay  si  degdeg  ah  u gaarsiiyo xeerkan Ururka Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Urur Goboleedka IGAD iyo Xafıiska Qaramada Midoobay, maaddaama Shacbiga Soomaaliyeed xaq u leeyihiin bedqabka dalkooda, ilaalinta gobonnimadooda iyo midnimada geyigooda.

Qodobka Shanaad:

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu dhammaan shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney u istaagaan gudashada waajibka saaran muwaaddin kastoo Soomaaliyeed ee difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada Qaranka si waafaqsan Qodobka 42aad Faqradda 2aad xarafka (a) iyo (i) ee Dastuurka Federaalka.

Qodobka Lixaad:

Qofkii ama hay’addii Soomaaliyeed ama caalami  ah  ee  ku  xadgudubta  xeerkan waxaa lala tiigsanayaa Xeerka Ciiqaabta Guud iyo Shuruucda kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qawaaniinta Caalamiga ah ee arrimahan u abbaaran.

Qodobka Todobaad:

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka un ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Labadiisa Aqal, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalkuna ku meelmariyo Xeer Madaxweyne laguna soo saaro faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here