Saturday, July 27, 2024

Xamsa: Soomaaliya waxay ka baxeysaa madi-nimadii iyo walaal la’aantii

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis ay isbuuci hore wada saxiixdeen Waasaaradaha Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saabsanaa iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskan u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Heshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa go’aan Soomaaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa go’aan Soomaaliya ka saaraya madi-nimadii iyo walaal la’aantii, waa go’aan Soomaaliya u sameynaya saaxiib dhab ah oo ay caalamka ku yeelato”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in heshiiskaan uu soo afjarayo in baddeenna iyo waxa ku jira looga baqo argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo, xadgudub iyo halis kaga timaadda dibedda.

“Heshiiskan waxa uu dhisaya, tababarayaa, isla markaana qalabeynayaa ciidankeenna badda, si ay ula wareegaan difaaca baddeenna. Heshiiskan waxa uu kordhinayaa wax soo saarka baddeenna iyo dhaqaalaha buluugga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga isgarab taaggooda xilliyo muhiim ah oo ay Soomaaliya soo martay iyo maanta oo lagu soo xadgudbay Qarannimada dalka.

Heshiiska dhanka Difaaca ee ay Dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga ayaa imaanaya iyadoo ay jirto xiisadda dhana badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay tan iyo markii uu Erdogan booqasho ku yimid Muqdisho sannadkii 2011-ka, isaga oo ahaa xilligaas Ra’iisul Wasaare.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Tan iyo sanadkii 2013-kii, Dowladda Turkigu waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadatay fududeynta wada-hadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Turkiga waxa uu Muqdisho ka dhistay Safaaradda ugu weyn Afrika iyo Saldhig Ciidan oo ku dhawaad 1,500 oo asgari lagu tababari karo markiiba, waxaana tababar ku qaatay tan iyo markii dhidibada loo taagay in ka badan 5,000 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here