Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo khudbad ka jeedinaya kulanka wadajirka ah ee Baarlamaanka

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin doona maanta kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu faah faahin uga bixiyo xaaladihii ugu dambeeyay iyo caqabadaha dalka ka jira.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu sharaxaad ka bixiyo heshiisyadii ugu dambeeyay ee dhanka Milatari ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la gashay Mareykanka, Turkiga, Uganda iyo Imaaraadka Carabta iyo ka qeyb galkiisii Shir Madaxeedka 37-aad ee Madaxda Midowga Afrika ee todobaadkaan ka dhacay Addis Ababa.

Qudbadiisa gaarka ah ee uu maanta u jeedinayo Baarlamaanka ayaa ku soo aadeysa maalin kadib markii Xildhibaanada ay soo gaba gabeeyeen ka doodista cutubka koowaad ee dhameystirka Dastuurka Kumeel gaarka ah.

Dhanka kale, Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyey maanta Heshiiska ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, isbuuc ka hor.

Heshiisyada dhanka Difaaca ee ay Dowladda Soomaaliya la geleyso Dowladaha saaxibka la ah ayaa imaanaya iyadoo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya uu dhimay ciidamada ka jooga Soomaaliya, si loo soo gabagabeeyo dhammaadka sannadka 2024-ka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here