Saturday, July 27, 2024

Jaamacadda Carabta oo wafdi heer sare ah usoo dirtay Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)– Wafdi heer sar ah oo ka socda Jaamacadda Carabta ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaga oo kulamo hor dhac ah la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Imaansha wafdigaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo ay wali jirto xiisadda ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland kaas oo aay ka hortimid Dowladda Soomaaliya kuna tilmaamtay xad gudub cad oo lagu sameeyay madax bannaanideeda.

Wafdiga waxaa hoggaaminaya Danjire Khaliil Ibraahim , Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, ahna Madaxa Arrimaha Amniga Carabta, waxaana la socda Zayid Al-Sabban, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan, sida uu sheegay Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta.

War-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ayaa lagu sheegay in wafdiga Jaamacadda Carabta ee yimid Muqdisho ay ka sidaan fariin gaar ah Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, taas oo ku soocota Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Fariinta ay sidaan wafdiga ayaa la xiriirta dhaqangelinta go’aankii Golaha Jaamacadda Carabta ee tirsigiisu ahaa 8988, kaas oo soo baxay 27-kii bishii January, kuna saabsaana taageeridda madax bannaanida Dowladda Soomaaliya iyo diidmada ay Itoobiya ku dooneyso in ay si sharci darro ah ku hesho xeebaha Soomaaliya.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa mar kale ku celiyay mowqifka Soomaaliya ee ku aadan diidmada heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland 1-dii January , isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka waaban doonin inay difaacdo dhulkeeda.

Safiirka Soomaaliya ayaa tilmaamay in booqashada wafdiga Jaamacadda Carabta, ay muujineyso fariin cad u ah in walaalaha Carabtu ay garab joogaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya , isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay sii wadi doonto tallaabo kasta oo lagu xoojinayo qaranimadeeda iyo midnimadeeda.

 Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Cabdullaahi Mudlaq Al-cuteybi usoo magacaabay inuu noqdo ergayga iyo madaxa howlgalka u qaabilsan Soomaaliya bishii December ee lasoo dhaafay

Cabdullaahi Mudlaq Al-cuteybi ayaa beddelay Salaax Al-juneyd kadib markii ay u dhamaatay mudda xileedkiisi uu Soomaaliya ku joogay.

Eragyga cusub, Cabdullaahi Mudlaq Al-cuteybi ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo sii dardargelin lahaa taageerada ay Jaamacadda Carabta siiso Dowladda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here