Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo ku adkeysanaya wax ka beddelka Dastuurka

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka, kadib markuu kasoo muuqday mar kale minbarka Masjidka Madaxtooyada uu maalmihii lasoo dhaafay uga maqnaa howla shaqo.

Madaxweyne Xasan ayaa soo daliishaday in Dastuurka qabyada ah uu tilmaamayo qaabka wax looga beddelayo iyo sida lagu dhamaystirayo isaga oo yiri ” Dastuurka samayntiisa, dhaqan gelintiisa iyo dib u eegistiisa intaba Dastuurka ayay ku caddahay, Baarlamaanka Federaalka ayaa iska leh, isaga ayay waajib ku tahay oo loo igmaday in ay dib eegaan”

Xasan Sheekh ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay in wax ka beddelka lagala tashado qeybaha bulshada sida ururada rayidka, warbaahinta iyo qeybaha kale ee dadka metela balse taas micnaheedu aysan ahayn in qof kasta oo Soomaali ah la weydiin doono waxa ay la tahy.

“Iskama joogi karno meesha.. Ma taagnaa karno looma dhamo weligeed, waa inaan ka baxnaa” ayuu yiri Maxadweyen Xasan.

Madaxweyne Xasan ayaa caddeeyay inuusan qaadan doonin go’aano deg-deg ah oo dhibaato u keeni kara geedi socodka Dowladnimada Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadan Madaxdooda iyo Hay’adaha Dowladda ee ku shaqada leh dhamastirka Dastuurka

Dhanka Kale, Xasan waxa uu ku booriyay Baarlamaanka in ay qaataan mas’uuliyadda ka saaran dastuurka si uusan dib u dhac kale ugu imaan dhameystirkiisa oo sii jiitamayay muddo dheer, isaga yiri, “Ma dhaceyso Baarlamaanka 11-aad inuu yiraahdo Baarlamaanka 12-aad ayaa dhamaystiraaya”

Madaxweyne Xasan ayaa niyadda u qaboojiyay siyaasiyiinta iyo dadka ka cabsi qaba in wax ka beddelka Dastuurku horseedi doono in awoodda dalku ay hal koox ama hal qof gacanta u shaho, sida hore u dhacaday, waxa uuna yiri ” Anagu dalkaan inuu dimoqraadi noqodo ayaan rabnaa. Is juu-juub, is dil iyo is casbi gelin Dowladnimo kuma dhisanto, horana waa ugu dhismi weyday Dowladdaan hadda joogtana ujeedadeeda sidaas ma ahan”

Wax ka beddelka Dastuurka ayaa ka mid ah qorshaha ugu waaweyn oo ay Dowladdaan dooneyso in ka mira dhaliso kadib ku biiristii Bulshada Bariga Africa, Ka qaadistii cunaqateynta hubka, ka mira dhalintii Deynta cafinta iyo la wareegidda amniga dalka oo dhawaan hirgashay kadib markii ay Ciidamada Amniga Soomaaliya lagu wareejyay Xarumaha Madxtooyada, Golaha Shacabka iyo Golaha Wasiirada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here