Saturday, July 27, 2024

Doorashooyinka ka dhacay qaar ka mid ah dalalka caalamka 2023

Muqdisho (Dawan)- Qaar ka mid ah dalalka caalamka waxaa ka dhacay sannadka 2023-ka doorashooyin kuwaas oo qaarkood isbeddel ku sameeyay madaxdii ka talin jirtay halka qaar kale ay kursiga kusoo laabteen.

Spain, Julaay 23

Hogaamiyaha PSOE ahna Ra’iisul Wasaarahii xilka hayay Sanchez ayaa mar kale soo dhisay xukuumad cusub,

Nigeria, Febraayo 25-26

Bola Tinubu ayaa loo doortay Madaxweyne

Paraguay, Abriil 30

Wasiirkii hore ee Maaliyadda, Santiago Pena ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo

Argentina, Nofeembar 19

Musharaxa Midigta Fog, Javier Milei ayaa ku guuleystay doorashada Madaxtinimo isagoo helay 55.82 % codadka wareegii labaad

Netherlands, Nofeembar 22

Xisbiga Xorriyadda ee Midigta Fog (PVV) ayaa kaalinta koowaad galay isagoo helay 23.49% codadkii la dhiibtay

Gabon, Agoosto 26

Ali Bongo Ondimba oo markii seddexaad loo doortay Madaxweyne ayay ciidamada meleterigu xilka ka tureen 30 Aug.

Finland, Abriil 2

Petteri Orpo, hogaamiyaha Xisbiga Isbahaysiga Qaranka Finland ayaa noqday Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaas.


Giriigga, Julaay 25

Hogaamiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Cusub, Kyriakos Mitsotakis ayaa dib loogu doortay Ra’iisul Wasaare

Montenegro, Abriil 2

Jakov Milatovic ayaa loo doortay Madaxweyne isaga oo helay 60% codadkii la dhiibtay wareegii labaad

Serbia, Dec.17

Isbahaysiga uu hoggaamiyo Aleksander Vucic ayaa ku guuleystay doorasho lasoo hormariyay.

Uzbekistan, 9-ka Luulyo

Shavkat Mirziyoyev ayaa markii 3-aad loo doortay Madaxweyne

Turkiga, May 28

Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale loo doortay Madaxweyne

Masar, Diseembar, 10-12

Cabdifataax Al-sisi ayaa ku guuleystay markii seddexaad Madaxtinimada isagoo helay 89.6 % codadkii la dhiibtay

Bulgaria, Abriil 2
Waxa la dhisay xukuumad isbaheysi ah iyada oo Nikolay Denkov uu hoggaaminayo 9-ka bilood ee ugu horeeysa, halka ay Mariya Gabriel hogaamin doonto 9-ka bilood ee xiga .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here