Sunday, May 19, 2024

M/W Xasan oo kusoo laabtay Dhuusamareeb lana kulmay mas’uuliyiin Turki ah

Dhuusamareeb (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya, Ibrahim Mete Yagli iyo Taliyaha Dugsiga Tababbarada Ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa masuuliyiintan ( Turkida ah ) kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dib u xoreynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta”.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya hal maalin kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Jabuuti kula kulmay Xoghayaha Difaaca Mareykanaka Lloyd Austin, iyaga oo kawada hadalay qodobo laf dhabar u amniga Soomaaliya oo ay ugu muhiimsanaayeen in la dardargeliyo kaalinta uu Mareykanku ka qaato dagaalka dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab iyo in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran toboneeyo sano.

Waxaa su’aalo badan la iska weydiinaya sababaha keenay xilligaan kulmada is daba joogga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh la yeelanayo mas’uuliyiinta amniga qaabilsan ee dowladaha Mareykanka iyo Turkiga oo labaduba Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaalka dhaqaalaha iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.

Xeeldheerayaalka siyaasaadda Soomaaliya qaarkood ayaa qaba in Xasan Sheekh doonayo inuu helo taageero dhanka amniga iyo difaaca ah oo la isku halleyn karo maadaama uu Midowga Africa billaabay dhimistaa ciidama nabad ilaalinta ah ee ka jooga Soomaaliya.

Wajigii kowaad ee dhimista ciidamda ATMIS ayaa dalka looga saaray 2,000 oo askari, halka lagu wareejiyay lix Saldhig Ciidaanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale la billaabay wajiga labaad bishaan September.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here