Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo mar kale ka digay xadgudubka Itoobiya ee Soomaaliya

Roma (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa soo bandhigay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dalka Somaaliya kuwaas wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka, isaga oo yiri;

“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi”.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, waxa uuna ka digay saameynta ka dhalan karta tillaabadi ay qaaday Itoobiya si ay u hesho Bad, iyada oo u mareysa dariiq ka baxsan shuruucda caalamiga ah

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha waxa uu intaas ku daray in ay Dowladda Soomaaliya ku hor gudbanyihiin caqabado badan sida la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab balse ay Shacabka Soomaaliyeed u dhabar adeegayaan sidiii ay uga gudbi lahaaeen dhamaan dhibaatooyinka jira.

Xasan waxa uu tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya leeyahay ifafaaalo fiican kadib markii Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga qaado cunaqabateynta hubka, cafinta deymihi cuslaa sidoo kalena loo ogolaaday ku biiritsa Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan duceed la yeeshay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Comoros Azali Assoumani, waxeyna isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo qaddiyadda hadda ka taagan Geeska Afrika ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya

Qoraal ay Villa Somaliya ku baahisay X ayaa u qornaa ” Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kulan dhinac socday Shir-madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika ee Rome la yeeshay Madaxweynaha Comoros Azali Assoumani oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika. Waxay ka wada hadleen arrimaha gobolka ee danaha labada dal iyo sidoo kale xoojinta dadaallada iskaashiga ah ee lagu gaari karo horumarka iyo barwaaqada Qaaradda Afrika oo ku salleysan dhowridda madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika”

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sii wadaa dadaalkiisa diblomaasiyadeed ee uu kula kulmayo madaxda dunida iyo ururada caalamiga ah, si uu ugu muujiyo in ay Dowladda Soomaaliya marnaba ogolaa doonin heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ee Badda

Dowladda Talyaaniga ayaa ugu talagashay shirkan in ay ku xoojiso xiriirka kala dhaxeeya wadamada Afrika, waxeyna kusoo bandhigeysa qorshaha cusub ee ay rabto in ay kula shaqeyso Qaaradda Afrika si wax looga qabto arrimaha tahriibka.

Talyaaniga ayaa sidoo kale xoogga saari doona dadaallada kor loogu qaadayo isdhexgalka dhaqaalaha iyo ganacsiga qaaradda Afrika, iyada oo ahmiyad gaar ah la siinayo shaqo abuurka, horumarinta xirfadaha, hal-abuurka iyo tignoolajiyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here