Saturday, July 27, 2024

2 markab oo hore loogu afduubtay xeebaha Soomaaliya oo la soo furtay

Muqdisho (Dawan)- Laba markab oo laga kala leeyahay dalalka Sri Lanka iyo Iran ayaa lagu soo waramayaa in laga soo badbaadiyay kooxo huebysan oo ku afduubtay xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Seychelles ayaa badbaadiyay Marakb kalluumeysi oo laga leeyahay Sri Lanka Isniintii, sida uu sheegay xafiiska Madaxweyne Wavel Ramkalawan. Dhanka kale, ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay inay soo furteen markab kalluumeysi oo sitay calanka Iran.

“Ciidamada gaarka ah ee Seychelles ayaa si geesinimo leh u fuulay Markabka si ay si buuxda ula wareegaan una badbaadiyaan shaqaalihi saarnaa ee u dhashay Sri Lanka,” ayaa lagu yiri, bayaan kasoo baxay madaxtooyada Seychelles.

Sri Lanka ayaa mar sii horreysay sheegtay in ay arrinta Markabka kala hadashay diblomaasiyiin Soomaali ah si loo ogaado halka uu ku dambeeyay markab kalluumeysi iyo lix shaqaale ah oo la socday.

Marabka ayaa la afduubtay labo todobaad kadib markii ay Sri Lanka sheegtay in ay ku biiri doonto howlgalka Mareykanka uu hogaamiyo ee lagu ilaalinayo maraakiibta ganacsi ee ku socdaala Badda Cas ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Dhanka kale, ciidamada badda Hindiya ayaa shaaca ka qaaday inay soo furteen markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iran oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya.

“Markabka kalluumeysiga waxaa saarnaa burcad -badeed, shaqaalihii la socdayna waxay ahaayeen la haystayaal,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada badda Hindiya Vivek Madhwal.

Af-hayeenka ayaa xaqiijiyay in si guul ah lagu soo badbaadiyay dhammaan 17-kii shaqaale ee la socday Markabka.

Afduubka markabka Sri Lankan ayaa ka dhacay biyaha caalamiga ah oo qiyaastii 840 nautical miles (1,555km) Bari ka xigta Soomaaliya, sidoo kalena 1,100 nautical miles (2,040km) u jirta Sri Lanka iyo waqooyiga Seychelles, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada badda ee Sri Lanka Captain Gayan Wickramasuriya.

Laba ilaa saddex nin oo hubaysan ayaa soo fuulay Markab uu dhererkiisu yahay 23m, waxayna kor u rideen rasaas digniin u muuqatay kadibna waxay kaxeysteen Markabki iyo shaqaalihi saarnaa,, ayay tiri, Susantha Kahawata, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Kalluumeysiga ee Sri Lanka.

Kahawtta ayaa intaas ku dartay in dhammaan xogta afduubka ay bixiyeen kalluumaysatadii kale ee Badda ku jirtay, iyada oo shaaca ka qaaday in kooxihii weerarka geystay ay ahaayeen Soomaali.

Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ayaa weerarro badan ku qaaday Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed si ay uga jawaabaan dagaalka Israa’iil ay kula jirto kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Ciidamada caalamiga ah ee horay u ilaalin jiray Gacanka Cadmeed ayaa u dhaqaaqay dhanka waqooyi ee Badda Cas si ay u uga hortagaan weerarada ka dhanka ah Maraakiibta ganaciga ee mareysa Badda Cas, taas oo fursad u siisay kooxaha hubeysan in ay afduubtaan Maraakiibta.

Kiiskii ugu horreeyay ee burcad -badeed Soomaali ah oo guuleysta tan iyo 2017 ayaa la diiwaan geliyay bishii December ee lasoo dhaafay, inkasta oo mas’uuliyiinta maamulka Puntland ay sheegeen in Doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan lagu afduubtay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, bishiii November 2023.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa meel mariyay 26-kii bishii October, 2023 sharciga la dagaalanka burcad badeedka iyo ka hortagga afduubka oo ujeedadiisu tahay in lagu ogaado laguna xakameeyo dambiyada la xiriira burcad badeedka iyo afduubka, si loo sugo ammaanka xeebaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah iyada oo sidoo kale ciqaab caddaalad ah la marsiin doono dadka lagu helo dambiyadaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dadaad xoogan uga jirta sidii ay uga hortegi lahayd kullumeysiga sharci darrada ah ee ay ajaanibtu ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya, iyada oo la xasuusto in bishii August ee sannadkii 2023 xukun lagu riday ajaanib.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa xukuntay 36 nin oo Ajaanib ah, kuwaasi oo lagu soo qabtay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen Badda Soomaaliya. Maxkamaddu waxay ku xukuntay mid kasta $12,000, taasoo keentay in dhammaan eedaysanayaasha lagu xukumo ganaax dhan $432,000.

Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa lagu xasuustaa in ay xarun u ahayd burcad badeed ku caan baxday afduubka doomaha iyo maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya, iyaga oo ka qaadan jiray lacag madax furasho ah, inkasta oo la xakameeyay wixii ka dambeeyay sannadkii 2012.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here