Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo Nairobi uga qeyb gelaya shirka Qaramada Midoobay ee deegaanka

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu amba baxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si uu uga qeyb galo shirka 6-aad ee golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay.

Shir-madaxeedkaan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii loola dagaaalami lahaa isbeddelka cimilada, dhibaatooyinka ay nooluhu la kulaan iyo wasakheynta hawada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu iftiimiyo caqabadaha dhanka deegaanka ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka dhashay isbeddelka cimilada, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa iyada oo la iskaashanayo.

Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa nabadda gobolka, xasilloonida, iyo horumarka , isaga oo muujin doona saameynta xun ee ficillada hal dhinac ah ay ku leeyihiin ka mira dhalinta yoolalka la hiigsanayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo laba geesood ah la yeesho madaxda iyo wufuudda kala duwan ee shirka ka qeyb geleysa isaga oo kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada deegaanka.

Soomaaliya iyo la dagaalanka isbeddelka cimilada

Dowladda Soomaaliya ayaa la timid qorshayaal cusub oo looga hortegayo isbeddelka cimilada, waxaana markii ugu horeysay lagu soo daray xukuumadda Soomaaliya Wasaarad qaabilsan ilaalinta deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaabay ololaha Qaran ee doog looga dhigayo Soomaaliya, iyada oo la la beerayo  10 Malyan oo geed si loo dhireeyo dalka loogana hor tago isbeddelka cimilada.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa dhankeeda la timid istiraatiijiyadda lagu badbaadinayo deegaanka iyo duunyada iyada oo ka duuleysa barnaamijka Soomaliyada cagaaraan si looga hor tago aafooyina isbedelka cimilada

Wasaaraddu waxa ay Golayaasha Baarlamaanka hor geysay xeerka ilaalinta iyo maareynta deegaanka kaas oo wax badan ka tari doona arrimaha deegaanka.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa bishii October ee lasoo dhaafay ansixiyay sharciga dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Cimiladda.

Sharcigaan ayaa loogu tala galay in uu wax ka qabto qabto Nidaaminta, isku dubaridka, la socodka, maaraynta, odoroska heerka wabiyada iyo fatahaadaha iyo bixinta adeegyada Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya.

Hay’addan waxay mas’uul ka tahay bixinta adeegyada Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada  dalka islamarkaana waa talo-bixiyaha koowaad ee dhanka farsamada ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ku saabsan arrimaha la xiriira Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada.

Xarunta Dhexe ee Hay’addaan ayaa Muqdisho laga furidoonaa si lamid ah hay’adaha kale ee dowladda ee hadda shaqeeya, sidoo kale hay’addaan ayaa xarumo kale ka furan doonta dhamaan dowlad goboleedyada sida lagu xusay sharciga Hay’adda.

Soomaaliya ayaa waayadii ugu dambeysay wajaheysay saameynta isbadalka cimilada, sida fatahaadaha deegaanada ku xeeran wabiyada Shabeelle iyo Jubba iyo abaar soo noqnoqotay.

-.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here