Saturday, July 27, 2024

Itoobiya iyo Somaliland oo iska kaashanaya horumarinta caafimaadka

Addis Ababa (Dawn)- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya, Ayele Teshome iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa iyaga oo kawada hadlay xoojinta iyo iskaashiga horumarinta dhinaca caafimaadka.

Wasiir ku-xigeenka Somaliand ayaa sheegay in in labada dhinac ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca caafimaadka gaar ahaan dhinacayda nafaqaynta, xaaladaha degdegga ah, u diyaar garowga isku-dubbaridka daryeelka caafimaadka ee xuduudaha, iyo khibrad wadaagga labada dhinac.

Wasiir ku-xigeenka waxa kale oo uu sheegay in wasaaradda caafimaadka Somaliland ay ka mahad noqeyso wada shaqeynta soo jireenka ah ee ay la leedahay wasaaradda caafimaadka Itoobiya, isaga oo ballan qaaday in labada dhinac ay sii laba jibbaari doonaan iskaashiga iyo xoojinta wada shaqeyntii hore u socotay.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa heshiis dhanka badda ah wada galay kowdii bishii January ee 2024, iyada oo ay ka dhalatay xiisad xoogan oo u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamtay xad gudub cad oo lagu sameeyay madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxeyna ugu baaqday caalamka in ay garab ku siiyaan sidii ay uga hortegi lahyd hirgelinta heshiiskaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here