Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan Sheekh oo maanta booqanaya Xarardheere iyo Ceel-dheer

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago jiidaha hore ee dagaalka gaar ahaan magaalooyinka Xarardheere ee gobolka Mudug iyo Ceel-dheer ee gobolka Galguduud kuwaas oo hoos taga maamul goboleedka Galmudug.

Ujeedka booqashada Madaxweyne Xasan ayaa ah u kuur gelidda xaaladda magaalooyinkaan ay ciidamada dowladdu hore ugala wareegeen kooxda Al-Shabaab iyo sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka ay dowladdu ku dooneyso in ay ku ciribtirto Al-Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor iyo wasiiro ka tirsan maamulkiisa ayaa lagu wadaa in ay wafdiga madaxweynaha kusoo dhaweeyaan magaalooyinka Xarardheere iyo Ceel-dheer.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa bishii la soo dhaafay dib ula wareegay deegaano muhiim ah oo ka tirsan goboladaas kadib markii ay ciidmada dowladdu isaga baxeen goobihii ay ku sugnaayeen dagaal la’aan.

Magaalada Xarardheere ayaa ka ah magaalo istiraatiiji ah oo ku teedsan badweynta Hindiya, waxeyna gacanta Al-Shabaab gashay sannadkii 2011.

Dhanka kale, magaalada Ceel-dheer ayaa 30 KM u jirtaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu talada dalka dib ugu soo noqday 15-kii May 2022, Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo ciidamada saaxiibada caalamiga ah ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku sugan Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here