Saturday, July 27, 2024

Maalinta qowmiyadaha Itoobiya oo loo xusayo si ka duwan sannadihii hore

Jig-jiga (Dawan)- Xuska 18aad ee maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta Itoobiya ayaa maanta ka furmay caasimadda dowolad deegaanka Soomaalida ee Jig-jiga.

Xuska maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta itoobiya oo sannadkiiba mar laqabto ayay magaalada Jig-jiga nasiib u yeelato in ay marti geliso markii labaad.

Maalinta qowmiyadaha Itoobiya ayaa ah maalinti la ansixiyay dastuurka dalkaas ee xaqiijiyaya in qowmiyadaha wada leh dalka Itoobiya in ay isku maamulaan Afafkooda, dhaqankooda, iyo diintooda si madax banaan sida ku cad qodobka 39 ee dastuurka.

Maalintaan ayaa ku beegan 29-ka Hidaar ee calenderka Itoobiya ama 8-da December ee sannad kasta.

Xuska 18aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta Itoobiya  ayaa sannadkan loo xusi doonaa si ka duwan xusaskii hore iyada oo muddo 5 cisho ah la xusi doonto laga bilaab0 25-ta bisha Hidaar ilaa 29-ka, una dhiganta 5-ta ilaa 9-ka bishaan December.

Kooxaha dhaqan deegaanadda kala duwan  ayaa ciyaar dhaqameedkooda ugaarka ah ku soo bandhigi dooona inta uu socda xuska maalinta qwomiyadaha, iyada oo ay si gaar ah ugu diyaar garoobeen ka qeyb qaadasahda maalintaaan qaaska u ah qowmiyaha iyo shucuubta Itoobiya.

Xuska maalita qawmiyadaha oo soo bilaawday 8-dii December 2006 ayaa guud ahaan dala Itoobiya laga xusaa sannad walbo xiligaan oo kale iyada oo sannadkaan ay fursad u heshay dowlad deegaanka Soomaalida in ay marti geliso ergooyinka kasoo qeyb gelaya.

Xuska maalintaan ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo isdhex galka iyo midnimada Qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya, kuwaas oo leh dhaqamo, diimo, luqado iyo soyaal taariikeed oo kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here