Tuesday, July 23, 2024

Muxuu salka ku haya buuqa baajiyay kulamadii Baarlamaanka?

Muqdisho (Dawan)- Buuq ayaa hareeyey kulan wadajir ah oo lahaayeen isbuucaan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya taas oo keentay in gabi ahaanba ay joogsato shaqadii Baarlamaanka.

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waday in ay si wada jir ah uga doodaan Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka iyo Xisaab xirka Sanad Maaliyadeedkii 2022-ka.

Kulanka waxaa shir gudoominaayay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi maadaama uu dalka ka maqanyaahy Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur .

Wax yar kadib markii la furay kulanka ayaa waxaa hoolka hareeyay buuq iyo gacan ka hadal ay sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka.

Guddoonka  Aqalka Sare ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray buuqii ka dhacay fadhiga Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya taas oo sababtay in uu qabsoomi waayo kulankii lagu ballansanaa, iyaga oo iska fogeeyeen in ay qeyb ka ahaayeen buuqii hareeyay kulanka Labada Gole, waxayna ku baaqeen in xal deg-deg ah laga gaaro wixii dhacay.

Maxaa keenay buuqa?

Xog uu helay TV-ga Dawan ayaa tilmaameysa in, in ka badan 150 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka in ay codsadeen mushaar kordhin.  

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa hadda mushaar ahaan u qaata $3,800 waxa ayna doonayaan in loogu daro $3000 taas oo ka dhigeeysa mushaarkooda $6000. 

Waxaa la filayaa in Golaha Wasiirada ay ku laabtaan miisaaniyadda si mushaarka xildhibaanada looga dhigo $5,000, sid aan xogta ku helnay.

Haddi aan la kordhin mushaarka ay codsanayaan xildhibaanada, waxaa dhici karta in xildhibaanadu aysan meel marin miisaaniyadda taas oo sababi karta in gabi ahaanba ay istaagto shaqada dowladda waxeyna noqon doonta markii ugu horeeysay ee ay dhacdo tillaabo nuucaan ah.

Ma ahan wax ku kooban xildhibaanada Soomaaliya in la dalbado mushaar kordhin ee waa arrin jirta in xildhibaanada ama madaxda sare ee dalalka dunidu dalbadaan in loo kordhiyo mushaarka ay qaataan balse waxa ay su’aashu tahay goorma iyo sidee ayay u dalbadaan?

Goorma ayay Labada Gole yeeshaan kulan wada jir ah?

Ma jiro sharci qeexaya oo la raaco, balse habraaca kulanka waxaa jaangooya is afgarad dhex mara labada guddi ee joogtada ah iyada oo loo fiirinayo hadba waxa suurtagalka ah.

Tusaale ahaan Xeerka miisaaniyadda uma baahna wax ka bedel iyo in labada gole kala eegaan, sidaas darteed ayaa wadajir looga hadlaa arrimaha la xiriira miisaaniyadda iyo xisaab xirka.  

Furitaanka kalfadhiyada ayaa isna la isku daraa maadaama uu madaxweynuhu waqti u kala heli karin inuu mid ba maalin gooni ah u furo kalfadhiga.

Sdioo kale doorashada madaxweynaha ayay kawada qeyb qaatan mar qura, iyada oo hadana la filayo in ay arrimaha dastuurka si wada jir ah uga doodaan.

Dhamaan arrimaha kale, Labada Gole waa ay kala shiraan sida shuruuccda, waxaana jira habraacyo cad oo loo maro.

Yaa shir guddoominaya kulamada wadajirka ah?

Qodobada dastuurka ee arrimahan ka hadlaya waa kuwa aan caddeyn lagana bixiyo fasiraado dhowr ah.

Nuqulka Soomaaliga ah ee dastuurka qabyada ah, waxa uu bixinyaa fasiraad isku qasan oo u baahan faahfaahin sharci, halka nuqulka English-ka ah aad moodo inuu Guddoomiyaha Aqalka Sare siinayo awoodda shir gooddoonka, balse labada oday inta badan kuma murmaan oo xeer jajab ayey isku xalliyaan iyaga oo xusuusta ku haya maahmaadii Soomaaliyeed ee ahayd “Gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaa”

Golaha Shacabka

Tirada Xildhibaanada Golaha Shacabka waa 275 waxa ayna metalaan shacbka Soomaaliyeed iyaga oo u qeybsan habka awood qeybsiga ee loo yaqaano 4.5, waxaana xildhibaan kasta soo doorta ergo gaareysa 101 qof , sidaas ayaana loogu magac daray magaca Golaha Shacabka.

Awoodahooda ugu weeyn ee Golaha Shacabka waxaa kamid ah:

Doorshada madaxweynaha, iyo xil ka qaadistiisa, Ansixinta xukuumadda, dejinta iyo meel marinta shuruucda.

Aqalka Sare

Aqalka Sare waxaa la soo kordhiyay 2016-ki waxa uu ka koobanyahay 54 senator, oo kala metela dowlad goboleedyada waxaana soo doorta baarlamaanada dowlad goboleedka.

Aqalka Sare waa Golaha la geeyo go’aamada ugu dambeeya inkasta oo ay xoogga saaraan danaha maamul goboleedyadii soo doortay, waxeyna Golaha Shacabka la wadaagaan arrimaha waaweyn sida doorashada madaxweynaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here