Saturday, July 27, 2024

Madaxdi hore ee dalka oo walaac ka muujiyay wax ka beddelka Dastuurka

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynayaashi hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si isku mid ah walaac uga muujiyay wax ka beddelka Dastuurka, iyaga oo ugu baaqay Madaxada Dowladda in aysan xilligaan billaabin khilaaf cuusb oo saameyn ku yeesha hannaanka Dowladnimada iyo midnimada bulshada.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Dowladda in wax ka beddelka Dastuurka loo maro hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel gaarka ah si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin, isaga oo bartiisa Facebook kusoo qoray;

“Waxaan markhati maddoonta ah in dalkeenna uu maraayo marxalad adag, kuna jiro xaalad xasaasi ah oo u baahan midnimo iyo wada tashi si loo waajaho xaaladda adag. Waxaan si dhaw ula soconnaa khataraha ku xeeran dadka Somaaaliyeed oo maanta u baahan in laga ilaaliyo wax kasta oo keeni kara khilaaf, maanta waa fursad dadka Soomaaliyeed dib loogu mideyn karo meel kasta oo ay joogaan”

Shariif ayaa sheegay in loo baahanyahay in waqti la siiyo wadatashiga iyo ra’yi aruurinta arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin.

“Dowladda, waxaan kula talinaynaa in ay ku mashquulaan arrimaha horu-tabinta u leh danaha Qaranka Soomaaliyeed, waqtigaan la joogana uga shaqeeyaan si taxaddar leh” ayuu yiri, Shariif

Madaxweyne Shariif ayaa xasuusiyay Madaxda Dowladda in looga fadhiyo in ay qaadaan tallaabooyin u dhigma waxa ka socda Gobalka oo lagu xaqiijinaayo badqabka madax bannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ballan qaaday inuu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo Dowladda difaaca dalka.

Dhankiisa Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in wax ka beddelka Dastuurka ay ka dhalan karto qalalaase gudaha ah iyada oo ay jirto dhibaato dibadda ah.

“Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay“. ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalku uusan xamili karin xilliga la joogo khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho, isaga ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda in ay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna.

Inkasta oo ay labada Madaxweyne taladooda kusoo gudbiyeen Warbaahintooda baraha bulshada hadana waxaa magaaalda Dooxa kulan ku yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay Villa Somalia shaacisay Madaxweyne Xasan ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore ee Farmaajo guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka, isagoo ammaanay sida shacabka, mas’uuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here