Saturday, July 27, 2024

Qaahira kadib.. Xasan Sheekh oo ka degay Dooxa

Dooxa (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar kadib markii uu soo dhameystay booqasho shaqo oo labo maalmood qaadatay oo uu ku joogay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Xasan Sheekh ayaa kulamo iyo wadahadallo miro dhal ah la yeeshay dhiggiisa Masar, Cabdifataax Al-Siisi, Xoghayaha Jaamcadda Carabta, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta iyo Shiikhul Azhar.

“Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad” ayaa lagu yiri, War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Amiirka Qatar, Tamiim ayaa ah hoggaamiyihi labaad ee Carbeed kaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay arrimaha Gobolka kadib khilaafka ka dhashay heshiiskii Badda ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland kowdii bishaan January.

Dhaqdhaqaan diblomaasiyadeed ayaa kusoo aadaya kadib markii ay Xukuumadda Soomaaliya ka codsatay Ururada caalamiga ah iyo Dowladaha daneeya xasiloonida Gobolka in ay garab istaagaan  xaqa Dowladda Soomaaliya  ee ilaalinta  midnimadeeda dhuleed kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday 1-dii January heshiis is af-grad oo Itoobiya u ogolaanaya in ay hesho Deked ay u adeegsan karto qaab ganacsi iyo saldhig ciidan.

Dowladda Qatar ayaa ku guulaysatay bishii May 2021, dhex-dhexaadinta dib u soo celinta xiriiirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo xilligaas mugdi soo kala dhax gelay.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here