Saturday, July 27, 2024

Madaxweynaha Itoobiya oo Jig-jiga uga qeyb geleysa xuska qowmiyadaha

Jig-jiga (Dawan)- Madaxweynaha dowladda Itoobiya, marwo Sahle-Work Zewde ayaa soo gaartay magaalada jig-jiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, si ay uga qeyb gasho  xuska 18-aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta Itoobiya.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo mas’uuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyayay waftiga ay hoggaamineyso Sahle-Work Zewde garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal.

Xuska munaasibadda 29-ka Hidhaar ayaa hadda si toos ah uga socda garoonka kubadda cagta ee magaalada Jig-jiga.

Xuska 18-aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta Itoobiya  ayaa sannadkaan loo xusaya si ka duwan xusaskii hore iyada oo muddeeda laga dhigay 5 cisho, laga bilaabo 25-ta bisha Hidaar ilaa 29-ka, una dhiganta 5-ta ilaa 9-ka bishaan December.

Xuska maalinta qawmiyadaha oo soo bilaawday 8-dii December 2006 ayaa laga xusaa guud ahaan dala Itoobiya sannad walbo xiligaan oo kale iyada oo sannadkaan ay fursad u heshay magaalada Jig-jiga in ay marti geliso ergooyinka kasoo qeyb gelaya.

Xuska maalintaan ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo isdhex galka iyo midnimada qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya, kuwaas oo leh dhaqamo, diimo, luqado iyo soyaal taariikeed oo kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here