Monday, September 8, 2025

Madaxweyne Cirro oo xarig jaray warshad oksijiin oo laga hirgeliyay Gabiley.

Gabiley (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa xarig jaray warshad cusub oo oksijiin ah oo laga hirgeliyay Isbitaalka Guud ee magaalada Gabiley, taas oo lagu tilmaamay guul weyn oo dhinaca adeegyada caafimaadka ah.

Cirro oo ka hadlayay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in Somaliland oo dhan ay u tahay farxad weyn in maanta Gabiley hesho warshad oksijiin oo awood u leh inay soo saarto laba haan iyo bar saacad kasta. Wuxuu intaas ku daray in hadda isbitaalka iyo dadka deegaanka ay haystaan ku dhowaad 80 haan oo oksijiin ah, kuwaas oo ku filan baahiyaha degdegga ah.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in xilli hore isbitaalka Gabiley uu haystay lix haan oo kaliya, taasoo ku qasbi jirtay inuu gargaar ka raadsado Hargeysa iyo Boorama.

“Waxa la sheegay in 6 haamood haystay uu ula berya tagi jiray Hargeisa iyo boorame Maantana wuxu haystaa warshadii oo Saacadii soo saaraysaa 2 haamood iyo bar, ku dhawaad 80 hamood oo ku filan baahiyaha cusbitaalka Iyo dadka deegaanka iyo cusbitaalada kaleba ayuu heystaa isagoo culeyska ka qaaday.,” ayuu yiri Cirro.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa iyaduna sheegtay in mashruuca loo xiray mishiin koronto-dhaliye ah, si loo hubiyo in warshaddu si joogto ah u shaqeyso. Madaxweyne Cirro ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumaddiisu mudnaanta siinayso adeegyada aas-aasiga ah ee muwaadinka, gaar ahaan caafimaadka, biyaha iyo korontada.

Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Gabiley, halkaas oo uu kula kulmay bulshada iyo masuuliyiinta gobolka, isaga oo xukuumaddiisa ballanqaaday in si tartiib ah loo dabooli doono adeegyada kale ee baahida bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here