Monday, July 14, 2025

Madaxweynaha Puntland Deni oo Dhagax Dhigay Dhismaha Wadada 40-Kiloomitir ah.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Bacaadweyn, taasoo dhererkeedu yahay 40-kiloomitir. Mashruucan, oo ah maalgelin ka timid Puntland, ayaa noqonaya tallaabo weyn oo ku saabsan horumarinta kaabayaasha gudaha ee gobolka.

Madaxweynaha Deni ayaa sheegay in wadadan ay ahayd mashruuc muddo dheer soo socday oo qorshuhu ahaa in uu maalgeliyo Bangiga Horumarinta Afrika, laakiin isqabqabso dowladda dhexe iyo puntland oo hakad geliyay, balse ay Puntland qaaday tallaabooyin muhiim ah, iyadoo ka tashatay sidii wadada loo dhisi lahaa iyada oo aan sugayn mashruuc dibadeed mid dowlad dhexe.

“Wadadaan Waxaa lagu maalgelinayaa canshuurta shacabka Puntland, waxaana si toos ah u faa’iidi doona bulshadeena,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, Deni ayaa ka warbixiyay wadahadallo socda oo ku saabsan dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub oo laga dhisi doona Gaalkacyo, isagoo sheegay in go’aan rasmi ah la filayo dhawaan.

Intaa waxaa dheer, Deni ayaa soo bandhigay in qorshayaasha Dekedda Garacad ay horay u socdaan, iyada oo wadahadalo farsamo oo dhexmara shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta iyo shirkad maxalli ah ay soo dhamaadeen. Wuxuu xaqiijiyay in dhismaha Dekedda Garacad uu bilaaban doono mar dhow.

Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Puntland ay si joogto ah ugu dadaalayaan horumarinta kaabayaasha gudaha, isagoo tilmaamay in wadada isku xirta Garacad iyo Duqdibi ay sidoo kale ku jirto qorsheyaasha horumarineed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here