By Asha Elmi
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dadaallada wadahadalka siyaasadeed ee ay dowladdiisu bilowday 2023 ay horseedeen horumar muuqda oo laga gaaray hannaanka dimuqraadiyeynta dalka.
Madaxweynaha oo hadlkaan ka sheegay qudbada munaasabadda Ciidul-Adxa ee la qabtay 5-da Juun 2025, ayaa xusay kulan wadatashi uu isugu yeeray Madaxweynayaashii hore bishii July 2023, hal sano kadib markii uu xilka la wareegay.
Wuxuu shegeay in kulankaas uu ku saabsanaa sidii dowladdiisu ay u dhegeysan lahayd talooyinka iyo aragtiyaha madaxda hore ee dalka,wuxuu sheegay in gogosha wadatashigaas aysan ku xirneyn doorasho dhaw, balse ay ahayd fursad lagu lafa-gurayo arrimaha masiiriga ah ee dalka.
“Tan iyo markaas, horumar weyn ayaa laga sameeyay hannaanka dimuqraadiyeynta iyadoo loo marayo hay’adaha dastuuriga ah,” ayuu yiri.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale in Albaabka wadahadalku wuu furan yahay, mar walbana wuu furnaan doonaa,isagoo so qaatay Gogosha Wadatashiga Siyaasiyiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025.