Wednesday, May 8, 2024

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galaya xuska maalinta Midnimada Tanzania

Daaru-salaam (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Tanzania, si uu uga qeyb galo sannad-guurada 60-aad ee lagu xusayo maalinta Midowga iyo Qarannimada dalkaas.

“Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la yeelan doona shir ku saabsan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Villa Somalia waxa ay intaas ku dartay in Madaxweynaha iyo wafdigiisu ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda dalkaas, iyagoo kala hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Dallada Geeska Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dalka Tanzania ay kala saxiixan doonaan heshiiyo ku saabsan Iskaashiga, Warfaafinta iyo heeshiis la xiriira arrimaha Caddaalada oo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Tanzania loogu soo celinayo dalkooda.

Tanzania ayaa u dabaal degta 26-ka April ee sannad kasta maalinta Midowga iyo Qaraniamda, iyada oo la xuso markii ay isku biireen labadii dowladood ee lagu kala magaacbi jiray Jamhuuriyaddii Tanganyika iyo Jamhuuriyaddii Zanzibar.

Labadaas dowladdod ayaa wada saxiixday heshiiska Midowga 22-kii April ee sannadkii 1964, waxaana la dhaqan geliyay 26-kii April ee isla sannadkaas, iyada oo maalinta hirgelinta heshiiskas loo aqoonsaday maalinta Midnimada iyo Qaranimada ee Tanzania.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here