Wednesday, May 8, 2024

Qaadashada kaarka aqoonsiga Itoobiya oo billaabatay

Addis Ababa (Dawan)- Deegaanada Itoobiya oo ay ay ku jirto Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka billaawday qaadashada kaarka aqoonsiga oo noqon doona mid casri ah oo ka dhaxeeya dhamaan dadka ku nool Itoobiya.

Shirkadda isgaarsinta Itoobiya ayaa bilaawday diiwan gelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga casriga ah ee (National ID), iyada oo la qorsheynayo in hal malyan oo qof ay qaataan kaarka bil walba.

Dowladda Itoobiya ayaa hiigsaneysa in 90 malyan oo qof ay qaataan kaarka aqoonsiga cusub, waxaana xafiiska dakhliga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida loo xil saaray howsha kaar qaadashada ee deegaanka.

Barnaamijka kaarka aqoonsiga casriga ah ayaa taageero lacageed oo dhan 350 malyan oo dollar ka helay Bangiga Adduunka.

Gobolo ay ka mid yihiin Faafan iyo Siti ayaa horay diiwaan gelinta looga sameeyay,waxaana la filayaa in dhamaan gobolada deegaanka la gaarsiiyo adeega diiwaan gelinta casriga ah ee  aqoonsiga National ID.  

Aqoonsigaan oo sannadkii la soo dhaafay ay si rasmi ah u shaacisay Dowladda Itoobiya ayaa beddel u noqonaya aqoonsiga warqadda ah ee “matawaqaha” loo yaqaanno.

Nidaamkaan casriga ayaa sahlaya in qaab digital ah ay u kaydsanaato xogta qofka muwaadinka, iyada oo laga qaadayo faraha iyo indhaha.

Shacabka ku nool deegaanka Soomaalida ayaa wakhti badan ay kaga bixi jirtay qaadashada aqoonsiga oo laga bixin jiray kaliya Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, balse xarumaha laga sameeyay deegaanka Soomaalida ayaa suurtagal ka dhigaya in dadweynaha deegaanku si fudud ku qaataan aqoonsiga.

Dad aad u tiro badan ayaa la filayaa in ay dhawaan qaataan kaararaka aqoonsiga, si ay ugu fududaato adeegayda ay u baahanyihiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here