Tuesday, July 23, 2024

Maxay madaxda joogta iyo kuwii hore ka dhaheen deyn cafinta?

Muqdisho (Dawan)- Xaflad loo sii diyaar garoobay si loogu dabbaal dego go’aanka ay Hay’adaha Maaliyadda Caalamku ku sheegeen in Soomaaliya laga cafiyay deyn gaareysa 4.5 bilyan oo doollar ayaa lagu qabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Munaasabadda waxaa jooga inta badan mas’uulliyiinta hadda xilka haysa iyo siyaasiyiinta ka ag dhaw, waa mid kamid ah guulihii ugu weynaa oo ay Soomaaliya gaarto waayadaan marka loo eego dadaalka la geliyay mudda dheer ee ka badan tobanka sano.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa isku dayay inuu cabbiro xaaladda, isla markaana hogo-tusaaleeyo waxa ay Soomaaliya uga dhigan tahay in xilligaan laga cafiyo deynta.

Xamse ma hilmaamin oraahdiisi caan baxday ee ahayd in la noqdo bini aadan.

Mar waxa uu yiri “30 sano ka hor ayaan xeyndaabka bini aadannimada ka baxnay”

Mar kalena waxa uu yiri “Hambalyo inaad ku guuleysateen inaad bini adannimada ku soo laabateen”

Dhanka kale, waxa uu Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya sheegay faa’iidada ka dhalan karta deynta laga cafiyay dalka, sida in caalamku ku kalsoonaado Hay’adaha Maaliyadda ee Soomaaliya, soo jiidashada Maalgashiga, xasilooni siyaasadeed iyo horumar dhaqaale iyo in la dardargeliyo adeegayada bulshada.

Madaxweyne Xasan oo aan nasiib u yeelan inuu joogo xafladda ayaa muuqaal kooban kasoo duubay Mareykanka si uu muwaadiniinta ula wadaago farriinta hambalyada iyo waxa ay ua dhigantahay in Soomaaliya laga cafiyo deynti lagu lahaa.

Dabcan Madaxweynuhu ma hilaamin heestii caanka ka noqotay khudbadihiisa ee ahayd ” Maalmihii wacnaa way soo socdaan”

Hadalka Madaxweynaha ayaa isagu jiray dhowr arriimodd kuwaas oo kala ahaa:

Damaanad: Madaxweynuhu waxa uu damaanad qaaday in aysan dowladddisu soo qaada doonin deyn culeys ku noqota jiilalka dambe, isaga uu xusay in haddii deyn la qaadanayo ay noqon doonto deyn laga fikiray waxa lagu qabanayo iyo sida loo bixin doono.

Farriinta Ganacatada: Waxa uu fursadda uga faa’ideystay inuu ganacsatada ugu baaqo bixinta canshuuraha, si aan deyn loogu baahan.

Bogaadin: Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyay dhammaan dadkii ka soo qeyb qaatay geeddi socodaka deyn cafinta.

Abaal sheegasho: Madaxweyne Xasan ma dhaafin inuu xuso, sida uu nasiibka ugu helay billawga iyo gebogabada barnaamijka deyn cafinta.

Xasan Cali Kheyro, Ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Soomaaliya, deyn cafintana kaalin ka soo geystay lagama casuumin dabbaal degga ka socda Villa Somalia, sidaas darteed waxa uu isa saaray mas’uuliyad isaga go’aansaday inuu  talooyin iyo aragtisiisa kusoo gudbiyo dhowrkaan qodob:

Deeq raadin: Kheyre ayaa ku taliyay in deeq la raadiyo oo aan deyn cusub la gelin, isaga oo ku sababeeyay in Hay’adaha Maaliyadda ee dowladdu aysan ahayn kuwa hufan xilliga hadda la joogo.

Hay’adda Dakhliga: Kheyre waxa uu soo jeediyay abuurista Hay’ad Dakhili oo ka madax bannaan Wasaaradda Maaliyadda iyada oo ay Wasaaraddu ka shaqeyneyso dejinta siyaasadaha Maaliyadda. Soo jeedinta Kheyre ayaa ah qaab ay dalal badan isticmaalaan.

La dagaalanka Musuqa: In Musuqa lala dagaallamo, isla markaana dowladdu abuurto jawi hufnaan ku salleysan oo dhiirrigelinaya dunida.

Taageerada Ganacsatada: Isku soo dhaweynta Hay’adaha Maalgashiga dunida iyo ganacsatada Soomaaliyeed kama marneyn talooyinka Kheyre waxa uuna si gaar u xusay Bangiyada.

Mideynta Miisaaniyadda iyo xisaab xirka: Waxa uu si gaar ah u xusay baahida loo qabo mideynta Miisaaniyadda iyo xisaab xirka dhammaan Dowlad Goboleedayada iyo Dowladda Federaalka ah.

Siyaasad Dhaqaale: Ugu dambeyntii waxa uu ku soo gabo gabeeyay taladiisa in la’aanta siyaasada dhaqaale aysan waxba hirgeli karin.maalgashiguna uusan imaan karin.

Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kama aamusin guusha soo hoyatay balse muuqaal sooma duubin sida Ra’iisul Wasaarihiisa Kheyre.

Farmaajo waxa uu qoraal ku sheegay in howhshaan ahayd qori isu dhiib. Waxa uu u muuqday inuu isku dayay in uu si dadban u muujiyo qeybtii uu ku lahaa.

“Qorshaha Qaran ee deyn cafintu, waxa uu ahaa qori isu-dhiib muddo xileedyo kala duwan. Hoggaamintaydii waxay suurta gelisay in aan ku guulaysano bar tilmaameedyadii iyo halbeegyadii ugu badnaa ee la xiriiray hawlaha deyn cafinta; hoggaanka hadda talada hayana uu dhammaystiray,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.  

Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd Shriif Sheekh Axmed ayaa isna dhankiisa ka ciriirsaday libinta deyn cafinta, isaga oo gadaal u sii riixay xilliga ay Soomaaliya billawday hannaanka barnaamijka deyn cafinta.

“Deyn cafinta waxay soo billaabatay 2011 xilli abaar daran oo isu bedeshay macluul ay dalka ka jirtay, Dalkuna uu ku jiray dagaal adag oo cadawga looga saaray Caasimadda. Dhowr iyo toban sano oo juhdi ah kadib waa guul inaan caawa ku guuleysanno in deyntii laga cafiyo dalkeenna,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed..  

2011 xilligii uu dalka Madaxweyne ka ahaa ayuu xusay in howsha deyn cafinta soo billaabatay balse Dawan TV ma hayo wax xaqiijinaya arrintaas.

Cafinta deynta waxaa laga helay deyn bixiyayaal kala duwan, oo ay ku jiraan Sanduuqa Lacagta Adduunka (US$343.2 milyan), Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (US$448.5 milyan), Sanduuqa Horumarinta Afrika (US$131.0 milyan), deyn bixiyayaasha kale oo isku jira (US$573.1 milyan), deymaha laba geesoodka iyo ganacsiga (US$3.0 bilyan).

Go’aanka deyn cafinta Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyada oo dhawaan ay Soomaaliya ka mira dhalisay ku biirsita Ururka Bulshada Bariga Africa iyo in laga qaado cunaqateyntii hubka ee saarneed in ka badan 30 sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here