Wednesday, March 19, 2025

Jigjiga oo Martigelisay Shirweyne Caafimaad

 soohoyde

Jigjiga ayaa martigelisay shirweyne caafimaad oo diiradda lagu saarayay horumarinta dhinacyada caafimaadka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS).

Shirkaan oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Caafimaadka DDS, waxaa ka soo qeybgalay bahwadaagta caafimaadka ee ka kala socda hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee deegaanka ka howlgala.

Ujeedada shirkan caafimaad ayaa ahayd xaqiijinta horumarinta adeegyada caafimaadka iyo xoojinta qorshayaasha maalgashiga ee dhinaca caafimaadka. Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday hababka kor loogu qaadi karo adeegyada caafimaadka ee deegaanka, si loo xaqiijiyo helitaanka adeeg tayo leh oo la gaarsiin karo dhammaan bulshada DDS.

Wasiir ku xigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS oo shirkaan furay ayaa xusay in isbeddelkii ka dhacay deegaanka kadib ay horumar la taaban karo ka sameeyeen dhinacyada caafimaadka. Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in sannadihii u dambeeyay DDS ay ku tallaabsatay guulo wax ku ool ah oo dhinaca gaarsiinta adeegyada caafimaadka ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • Dhismaha in ka badan 23 isbitaal oo isugu jira balaarin, dayactir iyo isbitaalo cusub.
  • Kordhinta adeegyada caafimaadka, iyadoo la furay in ka badan 50 xarun caafimaad oo cusub.

Sidoo kale, masuuliyiinta caafimaadka ee ka qeyb galay shirkan ayaa shaaca ka qaaday in dhimashada hooyada iyo dhallaanka ay hoos u dhacday sannadihii u dambeeyay, taas oo ay sabab u tahay dadaallada wax ku oolka ah ee lagu sameeyay horumarinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Shirweynahan oo sanadkiiba laba jeer lagu qabto magaalada Jigjiga, waxaa diiradda lagu saaraa cudurrada deegaanka ka jira, la tacaalkooda, iyo horumarinta xarumaha caafimaadka. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyaa xalalka lagu horumarin karo adeegyada caafimaadka ee DDS si loo xaqiijiyo bulsho caafimaad qabta oo ka faa’iideysan karta adeegyada caafimaad ee casriga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here