Saturday, July 27, 2024

Mareykanka oo duqeymo aargoosi ah ka fuliyay Ciraaq iyo Suuriya

Washington (Dawan)- Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (Centcom) ayaa ku dhawaaqay in uu billaabay duqeymo aargoosi ah kuwaas oo laga filiyay qeybo ka mid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Weeraradaan ayaa ka dhan ah Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Iran iyo kooxaha daacadda u ah ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya.

Bayaan kasoo baxay Centcom ayaa lagu sheegay in in ciidamada Mareykanku ay bilaabeen duqeynta cirka ah saacadu markay ahayd 4:00 pm EST (21:00 GMT), February 2-dii ee 2024, iyada oo lala eegtay xurmo ay leeyihiin Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Iran iyo kooxaha raacsan.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Ciidamada militariga Mareykanku ay duqeeyeen in ka badan 85 bartilmaameed, iyaga oo adeegsanaya diyaarado badan oo ay ku jiraan kuwa riddada dheer, oo kasoo duulay Mareykanka.

Inta duqeyntu socotay waxaa la adeegsaday hub kala duwan oo gaaraya 125 nuuc iyada oo lala beegsaday goobihii loogu tala galay, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay ciidadmada Mareykanka.

“Weerarada waxaa lagu bartilmaameedsaday xarumaha taliska, sirdoonka, gantaalaha, bakhaaro ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo xarumaha saadka oo ay leeyihiin kooxo ka amar qaatada Iran kuwaas oo fuliyay weeraro ka dhan ah Mareykanka” ayaa lagu yiri, bayaanka.

Jimcihii, ABC News ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa sarkaal Mareykan ah oo aan la magacaabin, isagoo leh “Duqeymo aargoosi ah ayaa ka billowday Suuriya kuwaas oo looga jawaabayo weerarkii dhimashada badnaa ee lagu qaaday saldhigga Mareykanka ee Jordan, maalmo ka hor”

Dhawaan ayay ahayd markii weerar culus lagu qaaday Ciidanka Mareykanka ee ku sugan xuduudda Suuriya iyo Jordan, iyada oo lagu dilay 3 askari halka lagu dhaawacay in ka badan 25 askari oo kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here