Saturday, July 27, 2024

ATMIS oo soo gabagabeysay wajiga 2-aad ee dhimista ciidamada

Muqdisho (Dawan)- Hawlgalka nabad ilaalinata Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo taageero dhinaca saadka ah ka helaya Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa soo gabagabeeyey wejigii labaad ee dhimista ciidamada ku sugan gudaha Soomaaliya.

Waxaa lagu guuleystay in dalka laga saaro 3000 oo askari, iyada 7 Saldhig lagu wareejiyay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya halkaa laba saldhig la xiray.

Saldhigyada ay ATMIS ku wareejisay Ciidamada Soomaaliya waxaa ka mid ah saldhigga qaabilsanaa ilaalada Aqalka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo ay ku sugnaa jireen Ciidamada ka socday dalka Uganda, Biyo Cadde , Raaga Ceelle, iyo Qorillow oo ay ka howl geli jireen Ciidamada Burundi ee Qeybta Shanaad.

Munaasabad rasmi ah oo ku saabsan arrintaan ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, iyada oo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ay kala saxiideen in si rasmi ah loogu wareejiyay saldhigyadaas Dowladda federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guddiga Midowga Afrika ee Maareynta Khilaafaadka ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda, iyo Amniga, Dr. Alhadji Sarjoh Bah, ayaa qiray guulaha la taaban karo ee ay Soomaaliya ka sameysay xoojinta ammaankeeda. Wuxuu ku bogaadiyay geesinimada ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo sida ay ugu hurayaan naftooda la dagaalanka Al-Shabaab, si ay nabad ugu soo dabbaalaan dhulkooda.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray sida hagar la’aanta ah ee Midowga Afrika ay uga go’an tahay taageeridda geeddi-socodka Kumeel gaarka ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay inuu taageero dadaallada socda ee lagu gaarayo nabad waarta, amni, iyo xasillooni.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah naf hurnimada ay sameeyeen si Soomaaliya looga dhaliyo nabad lana gaarsiiyo in ay cagaheeda ku istaagto.

“Waxaan Midowga Afrika uga mahadcelineynaa sida ay naftooda ugu hureen Soomaaliya. Beesha caalamka iyo saaxibada kale waxaan uga mahadcelineynaa sida ay noogu garab taagan yihiin dagaalka aan ugu jirno inaan ka shaqeyno nabad-galyada iyo badbaadada dalkeena. Waxaana u soconnaa mustaqbal ay Soomaaliya ammaankeeda ay isku filnaan doonto, ATMIS la’aanteed,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Taliyaha Ciidanka ee ATMIS, Lt. Gen. Sam Okiding, ayaa bogaadiyay wadashaqaynta gaarka ah ee ay sameeyeen Guddiga Saddex geesoodka ah ee ATMIS, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNSOS kaas oo si guul leh loogu soo afjaray dhimista ciidamada nabad ilaainta ee wajiga koowaad iyo labaad.

“Waxaan sameynay dadaal muhiim ah oo wadajir ah, si loo dhimo 5000 askari wajiga koowaad iyo labaad. Waxaan dhawaan bilaabi doonaa diyaarinta wajiga xiga. Wajiga saddexaad, waxaan hiigsaneynaa in la dhimo 4000 oo askari bisha June ee soo socota”. ayuu yiri, Gen. Sam Okiding.

Ciidmadama Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sannadka 2024-ka, iyaga oo billaabay in ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan Ciidamada Amniga Soomaaliya sida Xarumaha Madaxtooyada iyo Saldhigyo kale.

June 2023 waxaa dalka laga saaray 2000 oo askari taas oo qeyb ka ahayd qorshaha ilaa 20,000 oo asgari ay dalka uga baxayaan dhamaadka 2024 oo ku asteysan muddada loo qorsheeyay in Ciidamada Nabad Ilaalinta ay uga baxaan Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here