Saturday, July 27, 2024

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ku dilay xubno ka tisran AS

Muqdisho (Dawan)- Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Talaadadii xaqiijiyay in ay dileen saddex ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay howlgal cirka ah ka fuliyeen deegaanka Ugunji oo qiyaastii 71 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Warbixin kasoo baxday Taliska ayaa lagu sheegay in qiimeynta hordhaca ah ee duqeynta kadib ay muujineyso in lala beegsaday saddex ka tirsan kooxda Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaarka dadka rayidka ah.

Duqeynta ayaa la fuliyay 10-ki bishaan March kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya.

“Al-Shabaab waxa ay muujiyeen ka go’naanshahooda iyo awoodooda ay ku weerari karaan ciidamada Mareykanka waxeyna halis geliyeen danaha amniga ee Mareykanka. Taliska Mareykanka ee Afrika iyo saaxibadooda waxa ay sii wadi doonaan tillaabooyinka looga hortagayo kooxdan argagaxisada ah ee qorsheyneysa in ay weeraro ka fuliso gobolka, si ay u dhibaateyso dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM.

AFRICOM waxa ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto tababarada, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah iyada oo la siinayo agabka ay u baahanyihiin, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaan ka hadlin howlgalkan ugu dambeeyay ee uu Mareykanku ka fuliyay deegaanka Ugunji laba maalin ka hor.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here