Saturday, July 27, 2024

Mareykanka: Waxaan aqoonsanahay xudduuda Soomaaliya ee 1960

Washington (Dawan)- Dowladda Maraykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda diblomaasiyadeed ee kasoo cusboonaatay Geeska Afrika, kadib markii ay Soomaaliya ka hor timid heshiis dhanka Badda ah oo 1-di bishaan January dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa Warbaahinta u sheegay in walaaca ay la qabaan Dowladaha kale ee Caalamaka, isaga oo caddeeyay in Mareykanku aqoonsanyahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo la eegayo xudduudii 1960-kii.

Matthew Miller ayaa yiri, “Waxaan walaaca la qabnaa saaxibadeena kale, si aan u muujino halista xiisadaha ka taagan Geeska Afrika. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed. Mareykanka waxa uu aqoonsanyahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda 1960-kii.”

Walaaca Dowladaha Caalamka ayaa isa soo taraya kadib markii ay Xukuumadda Soomaaliya ka codsatay Ururada caalamiga ah iyo Dowladaha daneeya xasiloonida Gobolka in ay garab istaagaan  xaqa Dowladda Soomaaliya  ee ilaalinta  midnimadeeda dhuleed kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeer lagu burinayo heshiiskii is-afgradka Badda ee Magaalada Addis Ababa ku dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Xeerkaan oo ka kooban tododbo qodob ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiska, maadaama aan loo marin hannaanka sharciga ah ee waafaqsan Dastuurka Soomaaliya iyo Xeerarka Caalamiga ah, maadaama ay Soomaaliya aaminsantahay in Somaliland tahay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here