Friday, March 1, 2024

Maxaa laga filaya shirka Jaamacadda Carabta ee maanta?

Qaahira (Dawan)- Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta shir ka yeesho saameynta uu yeelan karo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1-bishaan dhax maray Itoobiya iyo Somaliland kaas oo suurta gelinya in Itoobiya ay ka hesho waqooyiga Soomaaliya 20 KM oo dhanka Badda ah.

Shirkaan oo ah heer Wasiir ayaa ku dhici doona qaabka fogaan aragga, waxayna Soomaaliya ka rajaneyseyaa in ay kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah oo loogu muujinayo taageero iyo garab istaag.
Khubarada sida hoose ula socda xiisadda ka dhax dhalatay Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa u arka in shirkaan uu yahay mid muhiim ah, maadaama ay Jaamacadda Carabtu tahay Urur ka duwan kan Midowga Africa ama IGAD oo ay Soomaaliya iyo Itoobiya kuwada jiraan halka Soomaaliya ay kali ku tahay Jaamacadda.

Khubarada ayaa qaba in go’aanada laga filayo shirka Jaamacada Carabta ay noqon karaan:

In la cambaareeyo tillabada ay qaaday Itoobiya oo ah mid ka baxsan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

In taageero loo muujiyo madax bannaanida, midnimada dhuleed iyo xurmada gobanimada Dowladda Soomaaliya.

In si cad ay Dowladaha Carabtu u diidaan heshiiska iyaga oo raacaya xeerkii burinta ee ay Soomaaliya kasoo saartay is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

In loogu baaqo Dowladda Itoobiya in ay ixtiraamto qawaaniinta caalamiga ah, ilaalinta deris wanaaga, xasiloonida iyo nabadda Geeska Afrika

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar, ayaa 4-tii bishan u gudbiyay Ururka Jaamacadda Carabta codsi ah in la qabto shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan dalalka Carabta, si looga hortago heshiiska ay Soomaaliya ku tilmaamtay sharci darro.

Safiirka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in mowqif mideysan oo Carbeed laga qaato heshiiska si looga jawaabo xadgudubka qaawan ee ay Itoobiya ku heyso qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Safiir Ilyaas ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo xeerarka deris wanaagga si loo ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, isaga oo intaas ku daray in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay qaranimada Soomaaliya, isla markaana sii hurinaysa xaaladda Gobolka.

Shirka Jaamacadda Carabta ayaa kusoo beegmaya hal maalin ka hor xilligga lagu wado in Dowladda Uganda ay marti geliso shir aan caadi ahayn oo ay isagu imaanayaan Urur Goboleedka IGAD, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya in Itoobiya ay ka cudur daaratay kasoo qeyb galka shirka.

Si kastaba aha ahaate Urur Goboleedka IGAD weli kuma dhawaaqin in shirku baaqday.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Itoobiya ayaa lumisay dekedaheeda Badda Cas horaantii sagaashamaadkii ka dib dagaalkii xornimada Eritrea, kaas oo socday 1961 ilaa 1991-kii.

1991-kii, Eritrea ayaa xornimada ka qaadatay Itoobiya, taasoo keentay in la dhiso laba dal oo kala madax bannaan, waxaana ka dhashay in Itoobiya ay noqoto dalka ugu weyn dunida ee Bad la’aan ah taas oo saameyn ku yeelatay awooddeeda in ay si hufan uga ganacsato Badda.

Xogta laga helayo heshiiska is-afgaradka ah ayaa tilmaameysa in Itoobiya ay heli doonta Deked ay baadi goob ugu jirtay muddo dheer kuna sigatay in ay dagaal u gasho iyo saldhig ciidankeeda Baddu ay isticmaalaan halka Somaliland ay heleyso aqoonsi ay baadi goob ugu jirtay in ka badan soddon sano iyada oo laga yaabo in ay saami ka hesho Shirkadda Ethiopian Airlines oo ah diyaaradda ugu weyn Afrika.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here