Saturday, July 27, 2024

Israel iyo Xamaas oo ku heshiiyay in gargaar dawo la gaarsiiyo Gaza

Dooxa (Dawan)- Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday, fiidnimadii Talaadada, in ay Isarel iyo Xamaas ku heshiiyeen sidii gargaar dawo loo gaarsiin lahaa dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza iyo maxaabiista laga heysto Isarel.

Tillaabadaan ayaa timid kadib dhaxdhaxaadin ay sameysay Dowladda Qatarm sida uu sheegay Afhayeennka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Maajid bin Maxamed Al-Ansaari.

Sida uu sheegay Afhayeenku, Qatar oo kaashaneysa Faransiiska ayaa ku guuleysatay in labada dhinac gaaraan heshiiskaan oo suurta gelinaya in dawooyin iyo shixnado gargaar bini aadantinimo ah la gaarsiiyo dadka rayidka ee Marinka Gaza, gaar ahaan kuwa ay soo gaartay waxyeelada ugu badan ee dagaalka.

Xamaas ayaa sidoo kale ogolaan doonta in maxaabista ay ka heysato Israel la gaarsiiyo dawooyinka ay u baahanyihiin, maadama ay jiraan kuwa ku dhaawacmay duqeynta ay Israel ka wado Marinka Gaza.

Xamaas ayaa dhawaan shaacisay in laba ka mid ah maxaabisti ay heysteen in ay ku dhinteen duqeynta Ciidamada Israel.

Al-Ansaari ayaa warbaahinta u sheegay in laba diyaaradood oo ay leeyihiin Ciidamada Qatar ay gaarsiin doonaan gargaar iyo dawooyin maanta (Arbaco) Magaalada Al-cariish ee dalka Masar si loogu sii gudbiyo Marinka Gaza.

Ururka Xamaas ayaa dalbanaya in Israel ay joojiso weerarka ay ku heyso Marinka Gaza sido kalena ay soo deyso kumanaanka qof ee ku jira xabsiyadeeda, si loo sii daayo maxaabiista Israel.

Tan iyo 7-dii bishii October ee la soo dhaafay, ciidamada Israel ayaa dagaal ba’an ka waday Gaza, waxayna dileen 24,285, halka ay dhaawaceen in ka badan 61,154 oo qof.

Dagaalka Gaza ayaa sababay barakaca in ka badan 85% (qiyaastii 1.9 milyan oo qof) dadkii ku noola Marinka Gaza, sida laga soo xigtay xafiisyada Qaramada Midoobay ee Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here