Saturday, July 27, 2024

Maxaa looga hadlaya shirka Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika?

Nairobi (Dawan)- Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa ka socda shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ay kasoo qayb galeen 29-madaxweyne oo ka kala socda wadamada Afrika, uuna ka mid ayahay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo ay sidoo kale barbar socdaan kulamo ay leeyihiin mas’uuliyiinta kala duwan ee dalalka Afrika.

Kulamada kale, waaa ka mid ah shirka 21-aad ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) oo uu ka qayb qaadanayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige.

Qodobada looga hadlayo kulanka Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika, waxaa ugu muhiimsan;

1. Dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socday laga soo billaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo daah furnaan.

2. Nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaystay quburo loo xilsaaray arrinkaas, maadaama hore loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sannadii tagtay ee 2023-kii.

3. ⁠Maalgelinta deeq-bixiyaasha caalamiga ah ee lagu hormarinayo wadamada dhaca Bariga Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa diiradda saaray muhiimada ay u lee dahay dhaqaalaha Soomaaliya Iskuxirka Wadamada Gobolka, taas oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadi doonto soo saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ka filaysaa dhaqaale oo aad u xoogan marka ay hirgalaan qorshayaasha Madasha iskaashiga ee dalalka geeska Afrika, sida ay sheegatay Wasaaradda Maaliyadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here